Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Dirawalada gaadiidka xamuulka oo mudaharaad bilaabaya

La daabacay måndag 24 november 2014 kl 14.00
Lastbilar. Arkivbild, foto: Hasse Holmberg/TT
Dirawalada gaadiidka xamuulka oo mudaharaad bilaabaya.foto: Hasse Holmberg/TT

Sida ay qortay jarriiradda Sundsvalls tidning, dirawalada gaadiidka xamuulka qaada ayaa bilaabay mudaharaad ay kaga soo horjeedaan kadib markii maxkamaddu fasaxday dirawal ka yimid waddanka Masadooniya oo lagu  qabtay isaga oo baasaboor iyo laysanka foojari ah ku wata.

Boqolaal cabasho ah ayaa loo soo gudbiyay maxkamadda, waxaanay dirawalada gaadiidka xamuulka ku shaqeeyaa ku baaqeen in ay maalin tii wakhti ka mid ah istaagi doonaan si ay u muujiyaan mudaharaad ay dhacdadaasi kaga soo horjeedaan. Dirawaladan mudaharaadka samaynaya ayaa sheegay in ay maalintiiba 15 daqiiqo oo ka mid ah waddada cidifkeeda istaagi doonaan si ay u muujiyaan mudaharaadka ay dhacdadaasi kaga soo horjeedaan. mudaharaadkan ayaa socon doona laga bilaabo toddobaadkan ilaa laga gaadhayo  ciidda miilaadiga kiristaanka.

Kennet Jaklund oo ka tirsan dirawalada mudaharaadkan samaynaya ayaa sheegay in ay mudaharaadkan u samaynayaan si ay ammaanka shaqadooda u ilaaliyaan, una muujiyaan in ay ka soo horjeedaan dirawalka  ku shaqaynayay laysan aan sharciga waafaqsanayn iyo in ay muujiyaan in ay ka soo horjeedaan xukunka maxkamadda. Kennet waxa uu sheegay in aanu hubin tirada dadka ka qaybgalaya mudaharaadkan, laakiinse uu rajaynayo in ay dirawaliin badani ka qaybqaadan doonaan.

Xigasho: Sundsvalls tidning

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".