Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Qoomiyadda romer oo takoor nidaameysan wajahaya

La daabacay måndag 24 november 2014 kl 13.19
Takoorka romer
(3:54 min)
Romer oo laga takooro suuqa guriyaha sida lagu sheegay warbaxin cusub oo soo saartey wakaaladda Boverket. Foto: TT
Romer diskrimineras på bostadsmarknaden enligt en ny rapport från Boverket. Foto: TT

Romer oo ah qoomiyada laga badan yahay dalkan Sweden ayaa suuqa guriyaha kalo kulmaya takoorid nidaameysan, taas oo keenta in dadka qoomiyadan ka midka ah ay dhibaato ka kalo kulmaan helidda guriyaha kirada ah.

Sidaas waxaa warbaxin cusub ku sheegay wakaaladda guriyeynta iyo qorsheynta (Boverket). Mid ka mid ah dadka arrintaan la kulmey ayaa ah Rosita oo ah hooyo heysata saddex caruur.

- Telefoon mar aan kulo hadley waxay iilo hadleen si wanaagsan, laakiin markaan u tagay weuy isbadeleen waxay iila hadleen si aan fiicnay oo waxay igu yiraahdeen; maya, wax guri ah kuuma heyno.

Rosita, oo magaceedqa dhabta ah si kalo yahay, maadaama aysan dooneynin in aan shaacino magaceeda dhabta ah. Waxay iyada iyo saddexdeeda caruurta ku noolyhaiin guri labo qol iyo fadhi ka kooban, waxayna dooneysaa in ey ku badelato guri ka weyn. Waxay marka hore telefoon kula xiriirtay shirkadda Stockholmhem kuwaas oo u sheegay in ay u hayaan guri. Laakiin kolkii ay tagtay xarunta shirkadda, ayaa loo sheegay in aysan jirin wax guri ah oo loo hayo:

- Waxay arkeen in ay ahey qof romer ah, ka bacdiina wey isbadeleen oo dhaheen; maya, kuma siineyno guriga afarta qol iyo jikada ah. Waxay arkeen dharkeyga oo ah dharka ay qataan romerka ayey raacisey. Waxay igu yiraahdee  isfahan xumo ayaa dhacdey, guri aan ku siino kuuma heyno.

Balse ma ah keliya Rosita dadka dhibaatadan takoorka ah la kulma. Sida lagu sheegay warbaxin cusub oo ka soo baxdey wakaaladda guriyeynta iyo qorsheynta (Boverket) ka takooridda  qoomiyadda romer kireysiga guriyaha waa mid qaabeysan.Felix Törnquist waa baare ka tirsan wakaaladda Boverket:

- Dadka asalkooda yahay romer ama heysta dhaqanka romerka looma arko in ay u qalmaan guri ka kireynta, ayuu yeri.

Baritaanka wakaaladda ayaa ku dhisan wareyso ay la yeelatey dad matala qoomiyadda romer iyo weliba dacwadaha loo gudbiyey wakiilka midab takoor DO, iyo weliba wareyso ay wakaalado la yeelatay wakiilada gacanta ku haya faylalka guriyaha loogu jiro, shaqsiyaad qaas ah, shirkadaha guriyaha iyo weliba gacanyarada ka howl-gala xaafiiska bulsahda Socialtjänsten.

- Guriyo leyda aan la kulannay, waxay aaminsan yahiin in ay raacaan mabda guriyo kireyn oo aan takoorid laheyn. Haddii ruuxa guri doonka ah uu ku jiro fareemka ah, in aan deyn lagu laheyn heystana shaqo, markas ma jirto boos u banaan takoorid, ayey qabaan.

Sidaas daraadeed badanaa waxaan jirin farsamo lagu muujin karo oo looga hortag midab takoorka ka jira suuqa guriyaha, sida lagu yeri warbaxinta wakaaladda.

Maantana Rosita iyo saddexdeeda wiil waxay ku noolyahiin weli guriga saddexda qolka ah ee ciriiriga ku ah: Wiilasheyda waxay ku noolyahiin hal qol oo ciriiri ah, ayey tiri.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".