Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/
Dab ka kacay bakhaar bateri ee magaalada Landskrona. Xir albaabada iyo daaqadaha. warar intaa dhaafsii-san P4 Malmöhus ka daalaco.

Kaniisadda oo laaluushta shaqaalaheeda aanay bogin

La daabacay tisdag 25 november 2014 kl 09.59
Kyrkan i Ödeshög. Foto: Peter Elvemo.
Kaniisadda Sweden oo iska shaqaalaha aan loo bogin Foto: Peter Elvemo.

Kaniisadda Sweden ayaa ku xalisa dhibaatooyinka ismaan-dhaaf ee ka dhex dhaca shaqaalaha magdhow shaqo ka tegid. Dhowrkii sanno ee ugu danbeeyey kiisadda Sweden ayaa bixisay lacago kor u dhaafaya 115 milyan oo karoon, lacaghaas oo magdhow ahaan loo baxiyey.

Sidaas waxaa maanta qorey wargeyska Dagens Nyheter. Lacagahan kaniisadda baxisey ayaa intooda badan magdhow ahaan loo siiyey shaqaale ka tirsan kaniisadda oo meel ka dhacyo loo geystey iyo weliba qaarkood qaylodhaan ka keeney  wax isdabomarin ay arkeen.

In kaniisadda Sweden dhibaatooyinka ka dhex jira ku xaliso isdhaafinta shaqaalaha  aan loo bogin waxay ka horimaaneysaa qiimeynta aas’aasiga ah ee kaniisadda.

Kaniisadda ayaa kooban 700 oo urur diimeedyo shaqo baxiyaal ah. Wargeyska DN aya guud ahaantood xiriir la sameeyey waxna ka weydiiyey magdhowyada ay bixiyeen oo siiyey shaqaale horey xaruumahooda uga howl-geli jirey. 600 oo ka mid ah ururadana ayaa sheegay in tan iyo sannadkii 2010 ay baxiyeen 115 milyan oo karoon oo loo isticmaaley is-dhaafinta shaqaale hore oo aan loo boqin.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".