Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/
Dab ka kacay bakhaar bateri ee magaalada Landskrona. Xir albaabada iyo daaqadaha. warar intaa dhaafsii-san P4 Malmöhus ka daalaco.

Waalidiinta oo aan ubadkooda ka caawin karin casharada

La daabacay tisdag 25 november 2014 kl 12.00
Malin Jonason, sitter vid köksbordet och försöker hitta rätt i skolans alla digitala rum. Foto: Carina Holmberg/Sveriges Radio
Waalidiinta oo aan ubadkooda ka caawin karin casharada. Foto: Carina Holmberg/Sveriges Radio

Habka waxbarashada casriga ah ayaa u batay mid ku baxaya aaladda casriga ee tignoolajiyadda. Casharada ayaa ku baxa ama loo adeegsadaa koombiyuutarada iskuulka yaalla iyo intarnetka, taasina waxa ay keentay in baahidii buugaagtu waxbarashadu yaraato.

Taasi waxa garab socda in ay jiraan waalidiin badan oo aan aqoon u lahayn aaladda casriga ah, ayna ku adag tahay in ay caawiyaan ubadkooda. 

Maamulo badan oo kuwa degmooyinka ah ayaa bilaabay in ay tacab badan galiyaan sidii ardaydu u heli lahayd qalab waxbarasho oo casri ah, kaasi oo la jaanqaadi kara nolosha casriga ah. Taasina waxa hubaal ah in ay saamayn weyn ku yeelanayso waalidiin badan oo aan aqoon u lahayn tignoolajiyadda casriga ah. Cecilia Härsing waa macallimad afka iswiidhishka iyo afka jarmalka ka dhigta dugsiga Skogstorpsskolan ee magaalada Eskilstuna ku yaalla, iyadu waxa ay aaminsan tahay fikir kaa ka duwan oo waxa ay qabtaa in aaladda casriga ahi kor u qaadi karto tayada waxbarashada iyo waliba in ardaygu si fiican u fahmo tacliinta.

Xigasho: Ekot

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".