Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Shirkadaha shisheeye oo si fudud u heli kara macluumaadka dadka reer Sweden

La daabacay onsdag 26 november 2014 kl 12.00
Högsta förvaltningsdomstolen
Högsta förvaltningsdomstolen. Foto: TT

Farqi u dhaxeeya qaanuunka ayaa dhigaya in aan hey’adda Sweden u diidi karin shirkadaha shisheeye macluumaadka guud ee dadka iswiidhishka ah

Middaas ayaa lagu cadeeyay xukun maxkamadeed ay gaadhay Maxkamada Sare, xukunka maxkamada ayaa u xukumay shirkad laga leeyahay waddanka Noorway oo ah kuwa kireeya shaqaalaha in ay heli karto dhamaan macluumaadka guud ee kaalkaaliyayaasha caafimaad ee reer Sweden. Hey’adda maamulka bulshada u qaabilsan Sweden ayaa arrinkan ka biyo diiday markii hore, iyadoo oo moodaysay in middani ay jabinayo sharciga ilaalinaya xogta guud ee qofka. Lakiin sida sharcigu u qoran yahay, macluumaadka guud ee dadka reer Sweden, looma diidi karo shirkadaha shisheeye.

Dennis Töllborg oo ku ah, bare sare oo ku xeel dheer cilmiga qawaaniinta ayaa leh middani waa mid xiise leh, waxayna saamaynaysa diiwaangelinta hey’adda Sweden oo dhan.

 Isha:P3 Nyheter

samir.dualeh@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".