Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/
Dab ka kacay bakhaar bateri ee magaalada Landskrona. Xir albaabada iyo daaqadaha. warar intaa dhaafsii-san P4 Malmöhus ka daalaco.

Xisbiyada garabka midig oo ka gaabsadey iney la shaqeeyaan MP

La daabacay onsdag 26 november 2014 kl 15.32
En person sitter framför en dator med ett orange kuvert från Pensionsmyndigheten. Folkpartiets gruppledare Erik Ullenhag. Foto: Pensionsmyndigheten/Henrik Montgomery/TT. Montage: Sveriges Radio.

Xisbiyada hanti-wadaaga ee garabka midig, ahna xisbiyada mucaaradka ayaa ku gacan saydhay in ay xisbiga MP kala shaqeeyaan arrimaha hawlgabka. Sida ay ku qoreen bogga dooda ee jariirada Dagens Nyheter

Xisbiga Socialdemokraterna oo isagu wada shaqayn kala leh xisbiyada garabka midig arrimaha dadka hawlgabka ah ayaa rabay in xisbiga ay dawlad wadaagta yihiin ee Miljöpartiet uu xildhibaanadiisa baarlamaanka ku soo daro, kooxda baarlamaanka ee ka wada shaqaysa arrimaha hawlgabka.

Balse afarta xisbi ee isbahaysiga garabka midig oo ka tirsan kooxdan baarlamaanka ee ka wada shaqaysa arrimaha hawlgabka ayaa arrintaas ka biyo diiday oo aan rabin in ay la shaqeeyaan xisbiga Miljöpartiet. Sidaa waxaa leh Erik Ullenhag oo isagu ah hogaamiyaha xildhibaanada baarlamaanka ee xisbiga Folkpartiet.

-Xisbiga Bi’adda ee Miljöpartiet, wuxuu aaminsan yahay in aynu shaqayn in yar, sidoo kale wuxuu shaki gelinaya kobaca dhaqaalaha. Labadaas arrimood oo door ka ciyaaraya in aan in aan yeelano barnaamij hawlgab oo wanaagsan. In aan shaqayno waqti badan, Sweden-na ay noqoto waddan dhaqaalihiisu koraayo, middaas oo ah sida aynu u shaqaynaynay 20 sanno hadda, ayaa ah mid ay ammaan ku dareemin karaan dadka hawlgabka ahi. Sidaa awadeed maaha in aan arrimahan kala shaqayno xisbi ka soo horjeeda waxyaabahaas asaasiga u ah heshiiskan. Sidaa ayay u dhigeen hadalkooda xisbiyada isbahaysiga ee mucaaradku.

 Isha:DN debatt, Ekot 

samir.dualeh@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".