Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Si fiican looma maamulo deeqaha ay Sweden bixiso

La daabacay torsdag 27 november 2014 kl 15.00
En person lämnar tillbaka lånade pengar
Si fiican looma maamulo deeqaha ay Sweden bixiso. Foto: Sofia Svenblad/Sveriges Radio

Guddida xisaabaadka qaranka ayaa walaac ka muujiyay sida loo maamulo lacagaha deeqaha ah ee ay Sweden bixiso. Guddidu waxa ay sheegtay in madmadow badani ka muuqdo sida loo maamulo  lacagaha deeqaha ah.

Taasina ay ka dhigan tahay in ayna caddayn in lacaguhu badanaa gaadhaan ururadii loogu talogalay in ay wax ku qabtaan. Si loo helo natiijo fiican oo ka soo baxday ujeeddadii deeqaha loogu talogalay. Waxa ay guddida xisaabaadku sheegeen in lacag badan oo deeqaha ka mid ah loo isticmaalo hab siyaasadeed. Iyada oo aan habqoraal ah lagu caddaynayn waxa ay lacagtu ku baxday. Sidaasi daraadeed guddidu waxa ay sheegtay in  loo baahan yahay in ay dawladdu ka shaqayso sidii si fiican loo maamuli lahaa deeqaha ay Sweden bixiso. Si cid kastaaba si cad u aragto halka ay deeqdu martay iyo sida ay xisaabtu u caddahay.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".