Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Gunno hala siiyo dumarka uurka leh

La daabacay fredag 28 november 2014 kl 14.30
Gravid, graviditet, vänta barn
1 av 2
Foto: TT
Gravid kvinna håller om sin mage med havet i bakgrunden. Foto. Hasse Holmberg/TT
2 av 2
Gravid kvinna håller om sin mage med havet i bakgrunden. Foto. Hasse Holmberg/TT

Bulshada ayaan siin taageero ku filan dumarka uurka leh een awoodi karin in ay shaqeeyaan sidii caadiga ahayd, sidaa waxaa daaha ka fayday baadhitaan ay samaysay hey’adda caymiska bulshada.

Sida laga soo xiganaayo baadhitaankan, dumar badan ayay ahayd in joogaan guriga oo shaqada ka negaadaan lana siiyo gunno. Dumarka haysta shaqo adag ayaa iyagu dalban kara gunno lacag ah marka ay xaamilada yihiin, si ay u joogaan guryhooda. Tobbankii dumara, sagaal ayaa loo ogolaadaa gunnadan marka ay dalbadaan. Balse sida uu sheegaayo baadhitaanka waa in dumar intaa ka badani ay helaan gunnadan.

Qiyaastii tobankiiba, toddoba dumar ah ayaa ku khasban in ay ka joogaan shaqada saddex bilood ee ugu dambeeya, ka hor inta aanay umulin. Kuwaas oo aan awoodin in ay shaqeeyaan.

Si kastaba ha ahaate, dumarka kalkaaliyayaasha caafimaadka ah, kuwa khasnajiyada ah iyo kuwa iibiyayaasha ah ayaa badana xanuun is qora marka loo diido in ay helaan gunno taageero ah inta ay uurka leeyihiin.

Geesta kale harciga ayaa dhigaya in dhamaan dumarka uurka leh ay xaq u leeyihiin in la siiyo gunnada waalidnimada labada bilood ee ugu dambeeya muddada ay xaamilada yihiin. 

Isha:TT

samir.dualeh@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".