Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Sheeko dhaqameedka soomaaliya oo markii ugu horeysey af-iswiidhish lagu qorey

La daabacay fredag 28 november 2014 kl 14.39
Shekooyinka soomalida
(5:57 min)
Sawirle:Warsame Elmi/
1 av 5
Oscar Trimbel waa qoraha buugga "Ökensagor-berättelser från Somalia. Sawirle:Warsame Elmi/
Sawirle:Warsame Elmi/
2 av 5
Sawirle:Warsame Elmi/
Sawirle:Warsame Elmi/
3 av 5
Sawirle:Warsame Elmi/
Sawirle:Warsame Elmi/
4 av 5
Sawirle:Warsame Elmi/
Sawirle:Warsame Elmi/
5 av 5
Sawirle:Warsame Elmi/

Buug cusub oo ay ku qoran yahiin sheeko dhaqameedka soomaalida kuna qoran afka Iswiidhishka ayaa markii ugu horeysey ka soo baxay dalkan Sweden. Buuggan ayaa waxaa ku qoran qaar ka mid ah sheekoyinka ugu caansan sheeko dhaqamedka soomaalida, sida ciigal iyo kuwo kale oo badan. Buuggan oo magaciisa yahay Ökensagor –berättelser från Somalia ayaa waxaa qorey qoraa la yiraahdo Oscar Trimbel

Qoraaga buugga Ökensagor – berättelser från Somalia ayaa sannadyo badan dagaalada sookeeya hortood ka shaqeyn jirey dalka soomaaliya. Waxuu madax ka ahaa mashruuc kaalmo oo lagu hormarinayey farsamo gacmeedka degaano ka mid ah dalka soomaaliya.  Sidoo kale waxuu ka mid ah klub ama urur farshaxan oo ka jiray magaalada Xamar.  Xilligas ayuu Oscar Trimbel billaabeyn in uu aruuriyo sheekooyin dhaqameedka Soomaaliya. Waxaan kula kulmey maktabadda Kungsholmen, halkaas oo uu k socdo bandhiga sheekooyinka iyo sawirada farshaxan ee ku jira buggiia.

30 sanno horteed

Intii uu ku jire aruurinta sheeko soomaaliga muddo hadda laga joogo 30 sanno, markaas oo Oscar Trimbel ku noolaa soomaaliya ka shaqeynayey, ayey ku dhalatay madaame uu yahay farshaxaniiste in uu sawir gacmeedyo ka sameeyey dadkii uu la kulmay oo uu sheekooyinkan ka soo aruuriyey, kuwaas oo magacyadooda siiyey magacyada ku jira sheekooyinka af-soomaaliga. Buugga shookinka soomaalida ayaa ah buug ka sakow sheekooyinka ay sidoo kale ku sharaxan yahiin sawirro gacan ku sameysey.

30 sanno ka hor ayey aheyd markii Oscar Trimbel soo aruuriyey sheeko soomaaliga ku jira buuggiisa cusub ee la yiraahdo Ökensagor berättelser från Somalia. Sidaas daraadeed ayaan weydiiyey waxa ku kalifay in uu buug ka qora sheekooyinka soomaaliga:

- Waxaan qabaa in ay dalkan Sweden iska yartahay ka hadalka dhaqanka soomaalida. Marka waxaan

30 sanno ka hor ayey aheyd markii Oscar Trimbel soo aruuriyey sheeko soomaaliga ku jira buuggiisa cusub ee la yiraahdo Ökensagor berättelser från Somalia. Sidaas daraadeed ayaan weydiiyey waxa ku kalifay in uu buug ka qora sheekooyinka soomaaliga:

- Waxaan qabaa in ay dalkan Sweden iska yartahay ka hadalka dhaqanka soomaalida. Marka waxaan qabaa in ay tahay wax laga xumaado in dadkan soomaalida ah ee ku nool Sweden kuna noolaa waqti dheer in aysan maqlin dhaqankooda. 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".