Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Snowden oo aan xaadir ka ahayn abaalmarintii la siiyay

La daabacay tisdag 2 december 2014 kl 14.18
Goobtii xafladda ee abaal-marinta oo Edward Snowden uu kaga qayb-qaatay aaladda video-ga.. Sawirle: Pontus Lundahl / TT
Edward Snowden is given a standing ovation as his father accepts the prize on his behalf. Photo: Pontus Lundahl / TT

Malintii shalay ahayd oo la bixiyay biladda abaar-marinta ee Right Livelihood ayaanu goob joog ka ahayn goobtii lagu qabanayey xafladda mid ka mid ah shantii ruux ee nasiibka u yeeshay biladdaa Edward Snowden

hase yeeshee uu xafladda kaga qayb qaatay dhanka aaladda video-ga isaga oo ku sugan dalka Ruushaka oo ku haysto deggenaansho magan-gelyo ku meel-gaar ah.  Snowden ayaa looga aqoon-san yahay dalka Mareeykanka oo uu u dhashay inuu ku tallaabsaday falal jaajuus-nimo, halkaasina oo uu miiska soo saaray xog ay sir ahayd oo ay lahayd hayddii nabad-sugidda mareeykanka ee uu ka howl-geli jiray iyo habkii ey ugu howl-geli jirtay dul-socodka ballaaran.

Qudbaddii uu ka jeediyay Snowden goobta xafladdu ka dhacday ayuu ugu mahad-celiyay dhammaan suxufiyiin iyo halgameyaashii u istaagey iney ku dhiiri-geliyaan howlahaa:
- Abaal-marintan ayaa dhiiri-gelinaysa dadyoow fara badan iyo howlihii ey soo qabteen tobannaankii sannadood ee ugu dambeeyey. Dadyoow gar-waaqsaday in fikradda xuquuqda bani'aadamku aanay ahayn walax cusub oo ay tahay mid horayba u soo jirtay. Inay tahay firad xoorriyadeed. Iyo in qiimaha ku kaca u dagaalanka xorriyaddaa uu yahay mid aad u sarreeya.

                                                                                                      kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".