Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Lövfen oo ku rajowayn mucaaradka

La daabacay tisdag 2 december 2014 kl 13.00
Stefan Löfven oo xaaladdu ku cakiran tahay.
Det här blir en svår vecka för den socialdemokratiske statsministern Stefan Löfven. Foto: TT.

Madaxa dawladda Iswiidhen Stefan Löfven ayaa ku rajo wayn in xisbiyada mucaaradka ee garabka midig ey qaadi doonaan masuuliyadda ka saaran dalka, isla-markaana ey hor istaagi doonaan in xisbiga SD uu rido miisaaniyadda dawladda ee codka loo qaadi doono, sida uu sheegay mar uu saaka u warramayay barnaamijka P1 Morgon ee ka baxa idaacadda Iswiidhen.

Löfven ayaa sheegay inuu diyaar u yahay sidii meel dhexe la isugu iman lahaa iyo in miisaaniyadda dawladda la marsiiyo, middaasina looga gol leeyahay sidii looga baaq-san lahaa doorasho cusub oo dalka ka dhacda, sida uu aamin-san yahay Stefan Löfven.

Haddii uu xisbiga SD ku dhawaaqo galabta inuu la codeeyn doono miisaaniyadda mucaaradka ee garabka midig berito ayay dalka la soo gudboonaan karaan xaalado kala duwan. Waxay dawladdu ku dhawaaqi kartaa doorasho cusub ee dalka ka dhacda, middaasina oo lagu tallaab-san karo ugu horreeyn 29-ka bisha diseembar oo eynu ku jirno. Maadaama ey ka soo wareegtay xilligaa saddex bilood kulankii ugu horeeyey ee baarlamanku yeesho. Doorashada ayaana la qaban karaa ugu dambeeyn 29-ka bisha maarso ee sannadka foodda innagu soo haya 2015.

Löfven ayaan ku talo jirin in doorasho cusubi ka qabsoonto dalka ama uu jagada isaga dego, hase yeeshee ku rajo wayn tallaabooyin kale. Kuwaasina oo u dhici kara sidan, sida uu sheegay Löfven.

Madaxa dawladda ayaa ka gaabsaday inuu shaaca ka qaado waxa uu ku casumi karo xibiyada mucaaradka ee garabka midig iyo sidii ey wada-shaqeeyn ula yeelan lahaayeen gudbinta miisaaniyadda dawladda. Halka uu dhanka kale Löfven shaaca ka qaaday tallaabooyinka aaney haba yaraatee dawladdiisu ka laaban karin - gacanta laga geeysaneyo sidii loo dhimi lahaa shaqa la'aanta ku habsatay dhallin-yarada, howl-gabka, dar-yeelka waayeelka iyo nidaamka hab-nolol-wanaagga bulshada.

                                                                                                        kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".