Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/
Dab ka kacay bakhaar bateri ee magaalada Landskrona. Xir albaabada iyo daaqadaha. warar intaa dhaafsii-san P4 Malmöhus ka daalaco.

Daryeelka bukaanka la ildaran cudurka kaankarada

La daabacay onsdag 3 december 2014 kl 14.00
Gobolka Gävleborg ayaa ugu liita kolka laga hadleyo dadyoowga ka badbaada cudurka kaankarada. Foto: TT/Sveriges Radio
Gävleborgs län ligger sämst till i landets canceröverlevnad. Foto: TT/Sveriges Radio

Waxaa kor u sii kaceeysa tirada ka caafimaadeeysa ama ka badbaadeeysa iney u geeriyoodaan cudurrada kaankarada, qalalka ee Stroke iyo kuwa ku dhaca wadnaha. Hase yeeshee uu weli aad u ballaaran yahay farqiga u dhexeeya wakhtiga la sugo, cudur-baarista iyo suurtagallada daweeyn ee cudurka kaankarada ee hayadaha caafimaadka gobollada iyo degmooyinka.

Tusaale ahaan mid ka mid ah laamaha caafimaadka gobolka ayaa 98% lagu casumaa hab dadyoowga qaba cudurka kaankarada ee sambabbada, halka gobol kale lagu casumo 41% bukaan-socodka isla daweeyntaa.

Si haddaba loo dhimo wakhtiga sugittaanka daweeynta ee bukaan-socodka kaankarada ayaa lagu talo jiraa in sannadka foodda innagu soo haya la xadeeyo muddada la sugo inta daweeyn lagu tallaabsaneyo.

Isha /TT,Socialstyrelsen

                                                                                                       kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".