Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

S oo ka gaabsaday inuu codeeynta miisaaniyadda dib u dhigo

La daabacay onsdag 3 december 2014 kl 14.10
doodda miisaaniyadda ee baarlamanka, Leif Jakobsson (S). Sawirle: TT.

Garabyada siyaasadda oo ey dooddu uga socoto baarlamanka ayaaney ka soo naasa caddaan in diyaar loo yahay sidii wada-hadal loo furi lahaa iyo in meel dhexe la isugu yimaado ama la soo saaro miisaaniyad loo dhan yahay. Sidaa daraadeed ayaanu xisbiga Socialdemokraterna u joojin doonin doodda si uu miisaaniyadda dib ugu celiyo guddi-hoosaadka dhaqaalaha ee baarlamanka, sida uu hayadda wararka Iswiidhen ee TT u xaqiijiyay Leif Jakobsson (S).

- Ma jirto cid middaa u diyaar ah, sida uu sheegay Leif Jakobsson, kana mid ah xubnaha xildhibaannada ee baarlamanka Iswiidhen, isla-markaana ah ku simaha guddi-hoosaadka dhaqaalaha ee baarlamanka, mar uu ka warramayay sababta aanu xisbigiisu (S) u joojin doodda aanuna dib ugu celin miisaaniyaddiisa guddi-hoosaadka dhaqaalaha. Tallaabadaa ayay macnihiisu tahay in codeeynta miisaaniyaddu dhici doonto galabta.

                                                                                                         kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".