Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/
Dab ka kacay bakhaar bateri ee magaalada Landskrona. Xir albaabada iyo daaqadaha. warar intaa dhaafsii-san P4 Malmöhus ka daalaco.

Inta badan dadka Sweden oo taageersan doorashada cusub

La daabacay torsdag 4 december 2014 kl 10.21
Högtryck på de gula valsedlarna. Foto: TT
Högtryck på de gula valsedlarna. Foto: TT

Sida ay muujineyso afkaar aruurin ay u sameysey shirkadda Demoskap wargeyska Expressen tobankii todobo dadka Sweden ayaa aaminsan in ay sax tahay ku dhawaaqista doorasho dheeraad ah.

1000 qof oo arrinkan la su'aalay ayaa boqolkii 69 aaminsan yahiin in ra'iisalwasaare Stefan Löfven uu ku saxsanaa ku dhawaaqista doorashada dheeraadka ah ee ra'iisalwasaaraha sameeyey shalay galab. Halka boqolkii 35 ay ka soo horjeedaan ku dhawaaqista doorashada dheeradka ah.

Dadka aad u taageersan in ay dalka ka dhacdo doorasho dheerad ah ayaa u badan codbixiyaasha taageersan xisbiga Sverigedemokraterna iyo weliba xisbiyada hanti goosadka ah ee ku bahoobey Alliansen. Waa sida lagu sheegay afkaar cabirka la sameeyey.

Markii ugu danbeysey ee dalkan Sweden laga qabtey doorasho dheerad ah ayaa aheyd sannadkii 1958, waa muddo hadda laga joogo 56.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".