Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Cilmibaaris: taageerayaasha SD waa shisheye diid dulqaad xun

La daabacay torsdag 4 december 2014 kl 11.39
SD, Karlsson
Foto: TT

Xisbiga Sverigedemokraterna horumarkii uu ka soo hooyey doorashadii baarlamaanka ee dheyrtan dalka dhacdey sababta kobaad ma aheyn ku qanacsanaan la’aan ay taageerayaasha xisbigan ku qabaan siyaasadda dalka, balse waxaa u sabab ah in taageerayaasha xisbigan leeyahiin dabeecado dulqaad xumo iyo shisheeye naceyb iskugu jira.

Sidaas waxaa wargeyska DN Debatt maanta ku qorey labo cilmibaaryaal oo ka socda jaamacadda Linköping.

Cilmibaarayaashan oo kalo ah Peter Hedström iyo Tim Müller aya daarasadooda ku wareystey 2000 oo qof. Daarasdooda waxay muujineysaa boqolkii 50 ka mid ah dadkii u codeeyey xisbiga Sverigedemokraterna u arkaan wax aan fiicneyn in ay deris la noqdaan ruux muslim ah, halka boqolkii 80 taageerayaasha SD ee la wareystey u arkaan wax aad u xun in ruux ka mid ah qoyskooda guuradso ama lamaane la noqdo qof muslim ah.

Marka loo barbardhigo dadkii u codeeyey xisbiyada kale intooda badan aragtida ay arrimahan aan soo sheegnay ka qabaan ayaa ah kuwo wanaagsan. Tusaale cod siiyaasha xisbiga KD intooda wareysiga lala yeeshay waxay kalobarkood u arkaan wax wanaagsan in ruux muslim ah qoyskooda ka guursado.

Isha: DN-Debatt

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".