Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

QM oo dhaleecaysay jeelasha Sweden

La daabacay måndag 8 december 2014 kl 09.50
Isoleringsrum, infektionskliniken, infektionsmottagning
Patienter som man misstänker har ebola kommer att läggas in på infektionskliniken. Foto: Anna Ahlström/SR

Inkastoo Iswiidhen muddo lagu dhaleecaynayay sida qolaalka goonida loogu rido dadka looga shakinsan yahay dembiyada, haddana weli kala badh dadka xidhan ayaa ay xadiidan tahay in la soo booqdo, sida laga soo xiganayo baadhitaan ay samaysay hey’adda daryeelka dambiilayaasha.

Hey’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan jidh-dilka ayaa arrinkan ku dhaleecaynaysa Iswiidhen.

Wakaalada wararka ee Raadiya Iswiidhen, Ekot ayaa waraysi la yeelatay 19 jir muddo afar sanno ah hadda xidhnaa.

-Keli ayaan ku ahay qolkayga, marka laga reebo saacad badhkeed oo galabtii ah iyo saacad badhkeed oo aroortii ah, markaas oo aan u baxo si aan daarada u warwareego. Haddii aan rabo in aan qubaysto, qof ayaa i yimaada oo isii daaya, ayuu leeyahay.

Iswiidhen ayaa dhowr jeer lagu dhaleeceyay qolaalka gaar ah ee lagu xidho dadka, balse ilaa hadda lama oga dadka qolaalka ay ku xidhan yihiin ku cidlooday, middan ayaa mid ay hadda baadhayso hey’adda daryeesha dambiilayaasha.

Natiijada baadhitaanka ayaa soo saartay in kala badh dadka xidhan ay xadidan tahay booqashada ay ka helaan dad kale.

-Maaha mid wanaagsan in xadeynta noocaas ahi ay saamayso nolosha dabiiciga ah ee qofka, oo qofka la guud ahaanba la sooco, sidaa waxaa leh Madelaine Seidlitz oo ah sharci yaqaanad ka hawlgasha Amnesty.

Isha: Ekot

samir.dualeh@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".