Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Anna Kinberg oo loo caleemo-saaray hoggaamiyaha Moderaterna

La daabacay tisdag 9 december 2014 kl 16.00
bilden visar en kvinna omgiven av journalister
Anna Kinberg oo loo caleemo-saaray hoggaamiyaha Moderaterna Foto: Pontus Lundahl/TT

Xisbiga Moderaterna ayaa Anna Kinberg u caleemo saaray in ay noqoto hoggaamiyaha cusub ee xisbiga. Waxaanay xilkaasi kala wareegi doontaa hoggaamiyihii hore ee xisbiga ahaana, raysal-wasaarihii hore ee xilka ka degay Fredrik Reinfeldt.

Anna Kinberg Batra oo ka mahad celinaysay caleemasaarka uu xisbigu u caleemo saaro in ay noqoto musharaxa jagada hoggaamiyaha xisbiga oo la dooran doono bilowga sannadka cusub, ayaa waxa hadaladeedii ka mid ahaa:

´´ Waad ku mahadsan tihiin kalsoonida aad ii muujiseen. Waan ku faraxsanahay in aan hawshan degta u rito. Doorashadii dhacday bishii september waxa ay inna tustay kalsoonida uu shacabkeennu innoo hayo iyo waliba siyaasaddeenna dhaqaalaha. Haddana taasi innaguma filna oo ololaha doorashada waxa innala gudboon in aynu ka jawaabi karno su'aalaha shacabka innoo codaynay. ´´ Sidaas waxa tidhi Anna Kinberg Batra.

Xisbiga Moderaterna ayaa 10 janaayo si rasmi ah u dooran doona hoggaamiyaha xisbigooda.

Halkan hoose ka akhri macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan Anna Kinberg Batra:

Xigasho: Ekot

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".