Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Dhaqdhaqaaqa garoonka Arlanda oo caadi ku soo noqday

La daabacay tisdag 9 december 2014 kl 15.40
Arlanda. Foto: Gerhard Stenlund, Sveriges Radio.
Dhaqdhaqaaqa garoonka Arlanda oo caadi ku soo noqday. Foto: Gerhard Stenlund, SR.

Hawlihii shaqo ee madaarka Arlanda oo mar labaad si caadi ah u socda. Galinkii hore ee maanta ayaa ay booliisku heleen walxo ay uga shakiyeen in ay yihiin waxa qarxa, walxahaas oo ay ka heleen teerminaalka shanaad ee madaarka. Kadib markii ay booliisku dhameeyeen hawlahoodii, waxa dib loo furay meelihii la xanibay oo dhan.

Boolisku waxa ay baadhitaan ku hayaan hal nin oo looga shakiyay in uu rabay in uu fal ka gaysto madaarka. Waxaanay booliisku ka gaabsadeen in ay sheegaan ninkaasi dhalasho ahaan halka uu ka soo jeedo.  Sidaasi waxa sheegay Klas Nilsson oo ah madaxa warfaafinta e Swedavia.

Xigasho: TT

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".