Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Guryo-yaraan ka jirta magaalooyinka waa weyn

La daabacay onsdag 10 december 2014 kl 13.00
trångboddd
Guryo-yaraan ka jirta magaalooyinka waa weyn

Guryo-yaraanta ka jirta magaalooyinka waa weyn ayaa sii kordhaysa, waxaanay taasi culays weyn ku haysaa dhallinyarada. In ka badan tobankii qof ba mid ka mid ah ee dadka ay da’doodu u dhaxayso 16 ilaa 34 jir ayay tani saamayn weyn ku yeelatay. Sidaasi waxa sheegtay xarunta tirakoobyada  ee magaceeda la yidhaahdo, Statistiska centralbyrån.

Stockholm waxa ay ka mid tahay magaalooyinka ay dadku guryaha cidhiidhiga ah ku nool yihiin. Tobanka degmo ee ay guryo-yaraanta ugu badani ka jirtana siddeed ka mid ahi waxa ay ku yaallaan Stockholm. Qoysas badan ayaa hal qal ay ku wada nool yihiin saddex qof ama wax ka badani. Sida xarunta tirakoobyadu sheegtay sannadkii hore magaalooyinka waaweyn waxa ay guryo cidhiidhi ah ku noolaa 50 000 qof. Kala badh dadkaasina waxa ay da’doodu u dhaxaysay 16 ilaa 34 jir. Tiradaasi oo kor u kacday sannaddadii u danbeeyay.

 Nima Adan waa 17 jir, waxaanay ku nooshahay xaafadda Biskopsgården ee magaalada Göteborg. Waxa ay laba qol kula  nooshahay qoyskeeda, waxaanay hal qof la wadaagtaa saddex wiil oo ay walaalo yihiin. Iyada oo taasi dhibsanaysana waxa ay tidhi: 

( - Qoyskayagu waxa uu ka kooban yahay lix qof, waxaananu ku wada noolnahay laba qol oo kaliya. Waa wax adag, waxaanan ahay gabadha kaliya ee qoyska. Waxa aan qol la seexdaa saddex wiil oo aanu walaalo nahay. Tusaale ahaan marka aan dharka iska beddelayo aad baan u dhibsadaa, mana rabaan in ay iga baxaan marka aan labisanayo.) 

Maalin kasta waxa ay ka fikirtaa sida ay noqon lahayd haddii ay heli lahayd qol iyada u gaar ah. Iyada oo arrrintaasi ka hadlaysana waxa ay tidhi:

( - Haddii aan qol ii gaar ah heli lahaa, waxa aan dareemi lahaa in aan amiirad ahay.) Taasi waxa ay ahayd Nima Adan oo waraysi siisay idaacadda P4 Göteborg. 

Xigasho: Ekot, P4 Göteborg 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".