Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Laanta socdaalka oo celisa dadka aan caddayn u hayn kiiskooda

La daabacay onsdag 10 december 2014 kl 16.00
More people are expected to apply for asylum in Sweden next year. Photo: Maja Suslin/TT
Laanta socdaalka oo celisa dadka jidhdilka loo soo geystay. Photo: Maja Suslin/TT

Dad badan oo magangalyodoon ah oo jidhdil iyo dhibaato badan kala soo kulmay dalalkii ay ka soo qaxeen ayaa  khatar ugu jira in ay laanta socdaalku ku celiso dalkoodii hooyo, maaddaama oo ayna haysan wax warqad caafimaad ah  oo caddaynaysa jidhdilkii loo soo geystay. Sidaasi waxa sheegtay haayadda laanqayrta cas oo 80 kiis oo ka mid ah kuwa magangalyodoonka ah baadhitaan ku samaysay.

Haayadda laanqayrta cas ayaa sheegtay in ay mihiim tahay in qofku haysto warqad caddaynaysa caafimaadkiisa iyo dhibkii loo soo gaysay si loo rumaysto, ayna u sahlanaato in uu sharciga waddanka Iswiidhan helo.

Dhinaca kale Sabina Lundell oo ah qareen ka shaqaysa arrimaha qaxoontiga ayaa sheegtay in ay mihiim tahay in ay laanta socdaalku caddayso waraaqaha looga baahan yahay qofka magangalyodoonka ah.  Waxaana hadalkeedii ka mid ahaa:

(- Waxa mihiim ah in laanta socdaalku samayso hannaan dhakhaatiirta u sahlaya sida ay u qiimaynayaan warqadda caafimaadka.) Mar kale Sabina oo ka jawaabaysa su’aal ku saabsanayd cawaaqibka ka iman kara haddii aanu qofku haysay warqad caddaynaysa dhaawacyadii loo soo gaystay waxa ay tidhi:

(- Waxa suurogal ah in qofku waayo sharci uu ku dego Iswiidhan, taasina ay keento in lagu celiyo dalkiisii hooyo oo uu qofku mar labaad khatar ugu jiro in la jidhdilo.)

 Taasi waxa ay ahayd Sabina Lundell oo ah qareen leh dhawr sanno oo waayo-aragnimo arrimaha qaxoontiga ah, oo waraysi siisay idaacadda Ekot.

 Xigasho: Ekot

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".