Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Kristersson oo noqday afhayeenka siyaasadda dhaqaalaha xisbiga M

La daabacay torsdag 11 december 2014 kl 09.31
Ulf Kristersson blir Moderaternas nya ekonomisk-politisk talesperson. Foto: My Rohwedder/Sveriges Radio.
Kristersson oo noqday afhayeenka siyaasadda dhaqaalaha xisbiga M. Foto: My Rohwedder/Sveriges Radio.

Ulf Kristersson ayaa loo doortay afhayeenka siyaasadda dhaqaalaha ee xisbiga Moderaterna. Sidoo kale waxa uu noqday musharaxa wasiirka maaliyadda ee xisbiga Moderaterna marka la gaadho doorashada dhacaysa misha maarso ee sannadka 2015.

Sidaasi waxa xaqiijisay musharaxa hoggaamiyaha xisbiga oo ah haweenayda loo yaqaano Anna Kinberg Batra. Dhanka kale Elisabeth Svantesson ayaa noqotay xildhibaan ka mid ah guddi-hoosaadka baarlamaanka ee suuqa shaqada, waxaanay xisbiga Moderaterna u qaabilsanaan doontaa siyaasadda shaqada.

Xigasho: TT

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".