Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/
Dab ka kacay bakhaar bateri ee magaalada Landskrona. Xir albaabada iyo daaqadaha. warar intaa dhaafsii-san P4 Malmöhus ka daalaco.

Tirada dadka bilaa guryaha ku ah Stockholm oo libinlaabmantay

La daabacay torsdag 11 december 2014 kl 11.00
Tiggare Foto: Tahir Yousef P4 Östergötland Sveriges Radio
Tirada dadka bilaa guryaha ku ah Stockholm oo libinlaabmantay.Foto: Tahir Yousef P4 Östergötland Sveriges Radio

Muddooyinkii u danbeeyay waxa soo  badanayay tirada dadka dadka midowga Yurub ka soo jeeda ee bilaa guryaha ku ah magaalada Stockholm. Iyada oo wakhtigiii qaboobaha la galay ayaa haddana ay wali dad badan oo ka soo jeeda waddanka Roomaaniya ay bilaa guryo ku yihiin magaalada Stockholm.

Sida ay sheegeen koox ka tirsan magaalada Stockholm oo  caawisa muwaadiniinta u dhashay dalalka midowga Yurub, qiyaastii 1500 ilaa 2000 oo qof oo fuqaro aan guryo haysan ah ayaa ku nool magaalada Stockholm. Waxaanay dadkaasi u badan yihiin dadka loo yaqaan roomarka ee ka yimid waddanka Roomaaniya. Tiradan ayaa ah mid libinlaabmantay tan iyo sannadkii 2012.

Jorge Castellon oo ka tirsan kooxda caawisa muwaadiniinta u dhashay midowga Yurub ayaa sheegay in ay adag tahay in wakhtigan qaboobaha ah ay dadkani ku nool yihiin waddooyinka iyo buundooyinka hoostooda.

- Dadku waxa ay si furan u seexdaan darbiyada iyo waddooyinka u dhaw xarumaha ay tareenadu ka baxaan, biriishyada hoostooda, tanina waa wax aynaan hore ula qabsan oo innagu cusub.

Xigasho: Jenny

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".