Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Siyaasiyiinta Moderaterna oo raba in wax laga beddelo sharciga LAS

La daabacay torsdag 11 december 2014 kl 12.00
Arbetsförmedlingen
Siyaasiyiinta Moderaterna oo raba in wax laga beddelo sharciga LAS

Rayi-ururin uu sameeyay tiifiiga SVT ayuu ku ogaaday in wakiilada xisbiga Moderaterna ugu jira maamulada degmooyinku ay doonayaan in ay wax ka beddelaan sharciga loo yaqaano LAS.

 Sharciga LAS ayaa ah mid ilaalinaya xuquuqda dadka shaqaalaha ah, waxaanu dhigayaa marka shaqo-dhimis la samaynayo in mar walba shaqada laga eryi karo qofba qofkii uu shaqada kaga danbeeyay, halka qofka qofka uu shaqada kaga soo horeeyay uu haysto fursad uu shaqadiisa ku sii wato. Rayi-ururintan uu sameeyay tiifiiga SVT ayaa waxa uu warqado u kala diray 283 wakiilada maamulka degmooyinka ah oo ay ku jiraan wakiillo xisbiga Moderaterna metelaya, waxaan warqadahaas ka soo jawaabay 142, tiradaasi oo 80% ka mid ahi ay doonayaan in wax laga beddelo sharciga LAS, si ay u fududaato in qofka la shaqaalaysiin karo, lana eryi karo markii loo baahdo.

Xigasho: SVT

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".