Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/
Dab ka kacay bakhaar bateri ee magaalada Landskrona. Xir albaabada iyo daaqadaha. warar intaa dhaafsii-san P4 Malmöhus ka daalaco.

Xisbiga MP oo ka faalooday xiriirkooda siyaasadeed ee S

La daabacay fredag 12 december 2014 kl 14.47
Fridolin: Saxaafadda ayaan fahmin
(1:28 min)
Gustav Fridolin. Sawirle: TT
Gustav Fridolin. Foto: TT

Gustav Fridolin oo ka mid ah labada hoggaamiye ee xisbiga Doogga - Miljöpartiet ayaa sheegay in aannu wax cusub ka maqal ereyadii shalayto ka soo yeeray madaxa dawladda Stefan Löfven. Fridolin ayaa aamin-san in madaxa dawladda Stefan Löfven uu mar walba go'aankiisu caddaa, kolka laga hadleyo wada-shaqeeynta ka dhexeeysa labada xisbi ee S iyo MP ee doorashada dheeriga ah ee dhowaantan lagu dhawaaqay. Howl-wadeennada saxaafadda ayaa si aan dhab ahayn u fahantay farriimmihii Löfven iyo sida ey u tarjunteen.

- Sheekada mala-awaalka ah ee jirta waxay tahay un rajada ey suxufiyiintu ka qabaan iney dhacaan waxyaabo aan horay loo maqal. Aniga waxay ila tahay, ayuu hadalkiisii raaciyay Gustav Fridolin inay noogu filan tahay cajaa'ib-yadii ku dhacay siyaasadda dalka maalmihii la soo dhaafay.

Gustav Fridolin ayaa middaa ula jeeda in hoggaamiyeyaasha labada xisbi ee S iyo MP ey mar walba ku taagnaayeen iney xisbi ahaan ku doorasho geli doonaan:
- Waxaan ka xunnahey in miisaaniyaddii ugu taageerada badneyd ay aqlabiyad ku wayday baarlamanka. Iminkase waxaannu dib u eegid ku eegeynaa sidii aannu u hir-gelin lahayn doorashada dabadeed siyaasadaha cimilada, iskuulka, hab-nolol-wanaagga, xanaannada waayeelka, gunnada howl-gabka iyo sidii looga dhabeyn lahaa, sida uu sheegay Gustav Fridolin.

Barnaamij la xiriira amuurtan iyo fikirka madaxa dawladda Stefan Löfven waxaad ku maqli doontaan barnaamijyada foodda innagu soo haya.

                                                                                                     kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".