Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Säpo oo baadhitaan ku wadda dadka ka soo noqday Siiriya

La daabacay måndag 15 december 2014 kl 11.00
Isis i Irak. Foto: AP Photo / militant website, File / TT.
Säpo oo baadhitaan ku wadda dadka ka soo noqday dagaalada Siiriya Foto: AP Photo / militant website, File / TT.

Haayadda sirdoonka Iswiidhan ee Säpo ayaa baadhitaan  ku samaynaysa dadka Iswiidhishka ah ee  ka soo garab dagaalamayay ururada argogixisada ah ee Siiriya ee waddanka ku soo noqday. Sidaasi waxa xaqiijiyay Anders kassman oo ah madaxa hawlaglka ee haayadda sirdoonka Iswiidhan ee Säpo.

 Anders ayaa sheegay in ay diiradda saarayaan dadka ka qaybgala dagaalka Siiriya. Isaga oo dhinaca kale sheegay in ay hadda joogsadeen dadkii u dagaal tagi jiray Soomaaliya iyo Afgaanistaan.

Haayadda sirdoonka ayaa xaqiijisay in tan iyo sannadkii 2012 ay 110 qof oo Iswiidhish ahi ku biireen ururada argagixisada ah ee ka dagaalama waddanka Siiriya. Intii dagaaladani socdeen 25 ilaa 30 qof  ayaa dagaaladan ku dhintay, halka 40 qof oo dagaaladaas ka soo qaybqaatayna ku soo noqdeen Iswiidhan.

Madaxa haayadda sirdoonku waxa uu sheegay in uu baadhitaanku meel fiican u marayo, aanay xidhiidh la yeesheen dad badan oo ka soo noqday dagaalada waddanka Siiriya, kuwaasi oo isugu jira kuwo ka jawaaba uun su’aalaha la waydiiyo iyo  kuwo ka gaabsaday in ay jawaabaan ba. Anders Kassman waxa uu sheegay in ay wakhti badan galinayaan sidii loo xakamayn lahaa dadka u safraya waddanka Siiriya si ay uga qaybqaataan dagaalada halkaasi ka socda. Dhanka kale waxa uu Anders Kassman sheegay in ay jiraan tiro ilaa 30 qof oo Iswiidhish ah oo u safray waddanka Yukrayn si uga qaybgalaan kacdoonka halkaasi ka socda. Anders ayaa sheegay in ay dabagal ku hayaan dadkaasi.

Xigasho: SvD

musa.hassan@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".