Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Dhaleecayn loo soo jeediyay hadalkii Björn Söder

La daabacay måndag 15 december 2014 kl 12.00
Björn Söder. Foto: Henrik Montgomery/TT
Dhaleecayn loo soo jeediyay hadalkii Björn Söder. Foto: Henrik Montgomery/TT

xoghayaha xisbiga Sverigedemokraterna ayaa waraysi uu siiyay jarriiradda Dagens Nyheter, mar uu sharaxayay cidda Iswiidhish noqon karta waxa uu sheegay in bulshada Yuhuudda iyo bulshada Samarku noqon karaan dad Iswiidhish ah.

 Hadalkan ayaa waxa si adag uga soo horjeestay  Roger Haddad oo ah afhayeenka siyaasadda isdhexgalka ee  xisbiga Folkpartiet, ahna xildhibaan ka tirsan baarlamaanka. Roger ayaa sheegay in uu Björn baal maray xaqiiqda, una eeg yahay nin aan soo akhriyin taariikhda Iswiidhan. Roger waxa uu sheegay in uu laba kooxood uun ka xusay shanta kooxood ee ay ka kooban tahay bulshada Iswiidhishku. Dhanka kale Roger Haddad hoosta ka xariiqay in aanay habboonayn in Björn Söder sii hayo xilka afhayeen ku xigeenka baarlamaanka.

Xigasho: TT/DN

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".