Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Wasaaradda arrimaha dibadda oo la kulantay safiirka Ruushka

La daabacay måndag 15 december 2014 kl 13.00
En CRJ-200 från flygbolaget Cimber som flyger för SAS. Foto: Johan Nilsson/TT
Wasaaradda arrimaha dibadda oo la kulantay safiirka Ruushka Foto: Johan Nilsson/TT

Dawladda Iswiidhan ayaa kulan degdeg ah la yeelatay safiirka Ruushka u fadhiya waddankan Iswiidhan. Kulankan ayaa dhacay kadib markii diyaarad milatari oo Ruushku leeyahay  ku dhici gaadhay diyaarad kuwa rakaabka ah oo ay leedahay shirkadda SAS.

Diyaaraddan Ruushka laga leeyahay ayaa duulaysay biyaha caalamiga ah koonfurta magaalada Malmö, iyada oo aan wadan wax raadaal ah. Taasina waxa ay keentay in ay isku dhici gaadhaan diyaaradda ay leedahay shirkadda SAS oo ay isku jirsadeen masaafo aad u yar. Wasiirka arrimaha dibadda Iswiidhan Margot Wallström oo arrintaasi ka hadlaysa ayaa sheegtay in falka ay diyaaradda Ruushka laga leeyahay ku kacday aanu ahayn mid habboon.

- Waxa mihiim ah in aanu annaga iyo safiirku  isla garanay in aanay arrintani ahayn mid wanaagsan. Waxaanu isla eegnay sidii arrintan xal fiican looga gaadhi lahaa mustaqbalka.

Dhanka kale wasiirka gaashaandhiga Iswiidhan ayaa sheegay in aanay arrintani ahayn mid habboon, aanay khatarteeda leedahay. Waxaanu sheegay in diyaaraddu duusho iyada oo bilaa raadaal ahi in ay ka dhigan tahay in aanay diyaaraddu ogayn halka ay marayso, taasina ay khatarteeda leedahay.

Wasaaradda gaashaandhigga Ruushka ayaa iyadu eedayntan dhan isaga leexisay, waxaanay sheegtay in aanay arrintani wax khatar ah lahayn.

Xigasho: Ekot/TT

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".