Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Ololihii Musikhjälpen lagu ururiyay 30,5 milyan oo karoon

La daabacay måndag 15 december 2014 kl 16.40
Programledarna Kodjo Akolor, Linnea Henriksson och Petter Alexis Askergren utsläppta efter 144 timmars direktsänd radio. Foto: Erik Thyselius/Sveriges Radio
Ololihii Musikhjälpen lagu ururiyay 30,5 milyan oo karoon. Foto: Erik Thyselius/Sveriges Radio

Waxa la soo xidhay ololihii magaciisu ahaa Musikhjälpen oo sannadkan lagu qabtay magaalada Uppsala, iyada oo lacag loogu ururinayay dadka la ildaran cudurka aydhiska ee ku nool dacalada dunida. Sannadkan lacagtii la soo hooyay waxa ay jabisay rikoodhka waxaanay lacagtaasi gaadhay 30,5 milyan oo karoon.

Muddo 144 saacadood ah oo uu barnaamijku ka socday faras-magaalaha Uppsala ayaa uu guul ku soo dhammaaday. Waxaana barnaamijka si heersare ah u daadihinayay fannaaniinta Linnea Henriksson, Peter iyo waliba barnaamij-daadihiyaha idaacadda P3 Kodjo Akolor, waxaanay si toos ah barnaamijka uga tabinayeen raadiyowga iyo waliba tiifiiga. Hal ku dhega sannadkan oo ahaa sidii loo badbaadin lahaa dadka uu ku dhacay cudurka aydhiska ee adduunka ku nool, ayaa ay dadku siyaabo kala duwan lacag ugu deeqeen mashruucan. Lacagtan tirada badan ayay maamuli doontaa haayadda Radiohjälpen, iyada oo u kala qaybin doonta dalalka  ugu baahida badan ee dunida ku yaalla, iyada oo gacanta koowaad la siin doono Afrika.

SR 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".