Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Cilad soo wajahday telefoonada shirkadda Telia

La daabacay tisdag 16 december 2014 kl 17.15
Фото:Flickr/Clarex AB
Cilad soo wajahday telefoonada shirkadda Telia Фото:Flickr/Clarex AB

Cilad dhanka farsamada ah ayaa soo waajahday telefoonada shirkadda Telia. Taasina waxa ay keentay in 400 goobood oo isugu jira xafiisyada dawladda, maamullada degmooyinka, xafiisyada hoggaanka bulshada iyo waliba shirkado waa weyn  ay ciladi ka gasho telefoonadooda.

Ciladdan farsamo ayaa saamayn ku yeelatay wicitaankii ay macmiishu soo wacayeen xafiisyada ay adeegyada uga baahnaayeen. Sida uu idaacadda P4 Norrbotten u sheegay Marucus Haglund oo ah afhayeenka shirkadda Telia, dhibaatadan soo wajahday hannaankii shaqada telefoonada, ayaan wali la garanayn xilliga la xalin doono ciladdan.

Xigasho: Ekot

musa.hassan@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".