Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/
Dab ka kacay bakhaar bateri ee magaalada Landskrona. Xir albaabada iyo daaqadaha. warar intaa dhaafsii-san P4 Malmöhus ka daalaco.

Taliyaha booliiska oo ka hadlay diiwaankii uu booliisku sameeyay

La daabacay onsdag 17 december 2014 kl 09.50
Kvinnoregistret, Mats Löfving
Taliyaha booliiska gobolka Stockholm.Foto: TT/SR

Booliiska magaalada Stockholm ayaa dhaleecayn badan loo soo jeediyay kadib markii ay booliisku sameeyeen diiwaangelin sharciga baal marsan. Taasi oo ay ku kaydiyeen xog badan oo ku saabsan dumar ay jidhdil u geysteen dadka intii ugu dhawayd.

 Diiwaangelintan oo ah mid ka kooban xogo xaasaasi ah ayaa waxa markii ugu horraysay ka hadlay masuulka ugu sarreeya booliiska gobolka Stockholm Mats Löfving. Mats waxa uu sheegay in diiwaangelintan laga lahaa ujeeddo wanaagsan, lagana yaabo in ay wax iska yara beddeleen habkii la rabay in ay u shaqayso, sidaasi daraadeed waxa uu soo jeediyay in samir loo yeesho ilaa inta haayadaha dawladdu qiimayn fiican ku samaynayaan arrintan. Mar la waydiiyay su’aal ahayd sababta uu booliisku u diiwaangeliyay xogta qofka dumarka ah ee dhibban, halka aanay wax badan ka qorin qofkii danbiga gaystay waxa uu sheegay in diiwaangelintani ahayd sidii loo sugi lahaa ammaanka qofka dumarka ah ee dhiban. Dhanka kale Mats Löfving waxa uu sheegay in ay waajib tahay in ay ilaaliyaan sharafta iyo kalsoonida lagu qabo booliiska, isaga oo sheegay in haayadda booliisku ka mid tahay haayadaha loogu kalsoonida badan yahay, iyada oo taasi ku kasbatay sida ay u ilaaliso xogaha dadka ay diiwaankooda hayso.

Xigasho: SR

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".