Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Xisbiga SD oo weli kobcaya

La daabacay onsdag 17 december 2014 kl 10.48
Jämnt mellan blocken, de rödgröna och Alliansen, i Novus sympatiundersökning Svensk Väljaropinion för november månad 2014. Bild: Novus
Tira-koobkii bishii noveembar 2014 ee garabyada siyaasadda. Sawirle: Novus

Tira-koobkii shirkadda Novus ee idaacadda la iska daawado ee TV4 ee bishan diseembar ayay ku caddaatay iney taageeradoodu kor u kacday labada xisbi ee Socialdemokraterna (S) iyo Sverigedemokraterna (SD).

Xisbiga S ayay taageeradiisu kor u kacday 3,4 boqolkiiba kolka loo barbar-dhigo tirakoobkii bishii ka horeeysay ee noveembar, iyadoona ay xisbiga taageedaiisu gaartay 32,0 boqolkii. Xisbiga SD ayaa dhankiisu kor u kacay tiro intaa ka badan oo ah 3,7 boqolkiiba, middaasina oo ka dhigeeysa inuu iminka haysto taageero gaarsii-san 16,0%. Kor u kaca taageero ee labadan xisbi ayaa ah kuwo tiro ahaan la hubo.

Xisbiyada garabka midig ee mucaaradka Alliansen ayey taageeradoodu hoos u dhacday sida tira-koobka ku cad, hase yeeshee aanay ahayn mid la hubo, halka xisbiga Doogga - Miljöpartiet ay taageeradiisu hoos u dhacday 1,9% iyo xisbiga Feministiskt Initiativ ay taageeradiisu hoos u dhacday 1,1%.

Tira-koobkan ayaa su'aalo lagu waydiiyey dadyoow gaarsii-san 1 800 oo ruux intii u dhexeeysay 1 - 14-kii bishan diseembar.

                                                                                                        kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".