Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Dahllinyarada oo aan badanaa laga bixin gunnada shaqaalaha

La daabacay onsdag 17 december 2014 kl 17.00
Dhallin-yarada ayaa u badan
(1:30 min)
Дорого посылать деньги из Швеции за границу
Sawirle: Sofia Svenblad/Sveriges Radio

Ugu yaraan tobankii ruuxba mid oo ka mid ah shaqaalaha dalka ayaan laheyn gunnada howl-gabka ee loo yaqaanno - tjänstepension (gunnada shaqaalaha), middaasina oo keenaysa in la helo dhaqaale gunno howl-gab oo hooseeysa kolka la gaaro da'da howl-gabka.

Tiro shaqaale oo gaarsii-san nus malyan (500 000) oo ruux ayaa ka howl-gala shirkado aan heshiis la laheyn ururrada shaqaalaha. Waana mid dhacda in shirkaduha aaney shaqaalahooda ka bixin gunnada howl-gabka shaqada. Inta badan waa shirkadaha yaryar kuwa sidaa u dhaqma oo aamin-san inay ama qaali ku tahay ama ay ku dhib badan tahay heshiis lala galo ururrada shaqaalaha waxa loo yaqaanno - kollektivavtal.

Monica Petersson, oo ka howl-gasha hayadda howl-gabka, isla-markaana ku takhasustay culuunta gunnada howl-gabka ayaa aamin-san iney dhallin-yaradu yihiin badanaa dadyoowga ey caqabadda ugu ballaaran kala soo gudboonaato, maadaama ey badanaa ka howl-galaan goobaha shaqada ee aan heshiisyada la laheyn ururrada shaqaalaha:
- Caadiyan goobaha ey ka howl-galaan dhallinyaradu lama ey galaan heshiis ururrada shaqaalaha. Inta badanna isla-goobahaa ma jiraan gunno shaqaale oo laga bixiyo shaqaalaha, sida ay sheegtay.

                                                                                                    kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".