Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Telefoonada Rosenbad oo laga shakiyay in la dhegaysto

La daabacay torsdag 18 december 2014 kl 13.00
Rosenbad Foto:TT
Telefoonada Rosenbad oo laga shakiyay in la dhegaystoRosenbad Foto:TT

 Deegaanka oo yaqaan Rosenbad oo ah meesha ay ku yaallaan xafiisyada dawladda looga taliyo iyo waliba xarunta baarlamaanku ayaa laga shakiyay in lagu xidhay qalab lagu dhegaysto telefoonada ay ku hadlaan siyaasiyiinta iyo saraakiisha goobahaas ka shaqaysaa.

Waxa laga shakisan yahay in goobahan lagu xidhay qalab  raadiyaha la shaqaynaya,  kaasi oo sah laya in hadalka iyo farriimaha ka baxaya ama soo galaya telefoonada si dhib yar loo duubi karo. Peter Ekstedt oo ah madaxa shirkadda isgaadhsiinta ee Post och Telestyrelsen ayaa idaacadda Ekot u sheegay in ay heleen calaamada muujinaya in ay goobta ku xidhan yahay raadiyow aan sharci ahay

Waxa aanu helnay astaamo muujinaya in  uu meesha ku xidhan yahay raadiyow duubaya xogta. Waxa aanu goobta ku xidhnay qalab isgaadhsiineed, waxaananu wadnaa baadhitaan arrintani ku saabsan.

Sida ay sheegtay jarriiradda DN, haayadda sirdoonka waddankan Sweden ee magaceeda marka la soo gaabiyo  la yidhaa Säpo ayaa baadhitaan ku wadda arrintan.  Dhanka kale  jarriiradda DN ayaa baadhitaan ay samaysay ku ogaatay in dhaqdhaqaaq kan la mid ah lagu arkay isla xarumaha laga maamulo dawladda Norway. Norway ayaa arrintan ogaatay dhammaadkii toddobaadkii hore, waxaanse ilaa hadda la garanayn cidda ka danbaysa arrintan.

Xigasho: P4 Stockholm

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".