Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Hannaan cusub oo ay ardayda dugsiga sare wax ku baran doonto

La daabacay torsdag 18 december 2014 kl 15.00
Julia Kedhammar besöker en flickskola på Malta. Foto: Kim Ohlsson/Sveriges Radio
Hannaan cusub oo ay ardayda dugsiga sare wax ku baran doonto

Dawladda ayaa soo jeedisay qorshe ah in ardayda dugsiyada sare wax ku bartaan aalladda casriga ah. Hannaankan casriga ah ayaa lagu bilaabi doonaa in ardayda lagu baro afkooda hooyo, iyada oo hadhowna laga yaabo in ay ardaydu aalladda intarnatka wax ku bartaan maaddooyinka kale.

Wasiirka waxbarashada Gustav Fridolin ayaa sheegay in hannaankani wax badan ka tari doono tayada waxbarashada:

- Waxa ay ardaydu ku baran doonaan afkooda hooyo. Waxaana suurogal ah in hadhow ay maaddooyinka kalena ku bartaan. Habkani waxa uu kor u qaadi doonaa tayada waxbarashada ardayda. Kaasi waxa uu ahaa wasiirka waxbarashada Gustav Fridolin

Hannaankan cusub oo ah mid uu ardaygu duruustiisa  qaadanayo isaga oo aan macallinku la joogin, oo uu macallinku habka online ka loo yaqaano ku siin doono casharada, ayaa  dhaqangali doona sannadka danbe,waxaanu wax laga beddeli doonaa sharciga iskuulka.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".