Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Fursadaha shaqada ee degaanada soocan oo korodhay

La daabacay fredag 19 december 2014 kl 11.00
Han sitter på ett räcke. Bakom honom syns vatten och en bro till riksdagshuset.
Miljöpartisten Mehmet Kaplan blir minister och får ansvar för att det byggs hus åt dem som behöver någonstans att bo. Foto: TT.

Qaybo ka mid ah magaalooyinka waddanka oo dhan ee heli jiray kaalmo dhaqaale oo dawladu ku caawiso si loo yareeryo  soocnaanta, middaas ayaa hadda laga arkaa natiijo wanaagsan. 14 ka mid ah, 15 degaan ee la siin jiray kaalmada ayaa hawlgalku kor u kacay.

Sida laga soo xiganayo xafiiska tirakoobka guud ee SCB. Iyadoo goobaha fursadu shaqadu korodhay in ka badan inta ay korodhay degmooyinka ay ku yaalaan.

Dawladii hore ee ay ku midaysnaayeen xisbiyada garabka midig ayaa go’aamisay in lacag dhan 100 milyan sannadkii lagu caawiyo degaanadaas, oo loo qaybiyo maamulada degmooyinka ay ku yaalaan.Balse wasiirka guryaha iyo horumarinta magaalooyinka Mehmet Kaplan ayaa isagu qaba in kaalmadani ay tahay dhib, dawladani ay rabto in ay meesha ka saarto kaalmadaas dhaqaale.

-Middan ayaa ugu horayn noqon karta, hab tartan ah. Oo la iska hor keenayo degaanada, waana dhib. Degaanaanada ugu saadasha xunina, waa kuwa ay adag tahay in ay helaan kaalmadan dhaqaale. Ayuu leeyahay Mehmet Kaplan.

Isha:Ekot

samir.dualeh@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".