Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Booliska Skåne oo qarxiyay walax laga shakiyay

La daabacay fredag 19 december 2014 kl 12.00
Polisavspärrning vid mordplats i Hageby.
Foto: Christian Ströberg/ Sveriges Radio

Farsama yaqaanada banbaanada ee booliska Skåne ayaa qarxiyay walax looga shakiyay in ay ahayd banbaano. Walaxdan oo laga helay guri ay degan yihiin oo ku yaal degaanka Flyinge ee gobolka Skåne

Aaladan laga shakiyay ayaa la helay ka dib markii booliska lala xidhiidhay, loona sheegay in ardaygii halkaas degana uu maqan yahay, sida ay ku waramayso saxaafada maxaliga ahi.

Saaka ayaa la faaruqiyay degaanka arddayda, hadda ayaana baadhitaan dheeraad ah lagu wadaa goobtan.

Geesta kale, ardaygii halkaa deganaa ayaan weli la hayn meel uu jaan iyo cidhib dhigay. Booliska ayaa iyaguna dhinacooda arrinkan u diiwaangeliyay khatar ka dhan bulshada, sidoo kale ardaygii aqalkan deganaa ayaa hadda laga shakinsan yahay. 

Isha:Ekot

samir.dualeh@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".