Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Midawga Yurub oo ansixiyay mashruuc balaadhaan oo maalgelin ah

La daabacay fredag 19 december 2014 kl 14.00
Foto: TT
Foto: TT

Madaxda xukuumadaha Midawga Yurub ayaa shalay qalinka ku duugay, miisaaniyad maalgelineed ee ururkan oo ahayd mid balaadhaan. Middan oo la filayo in ay shaqooyin badan abuurto. Sweden ayaan kaalmo dheeraad ah siin doonin miisaaniyaddan maalgelineed, balse waxaa la isticmaali doona lacagta hadda la hayo. 

Sida uu raysal wasaare Stefan Löfven u sheegay shaashada SVT. Miisaaniyadan maalgelineed ayaa loo isticmaali doona tusaale ahaan, waddooyin cusub, jidadka tareemada iyo goobo laga hirgaliyo qalabka dabaysha dabka ka dhaliya.

Miisaaniyadan ayaa samayn doona lacag u bixin doono baanka maalgelinta ee Midawga Yurub oo ah mid Midawga Yurub uu isticmaalo xarun uu ka amaahdo lacagaha maalgelinta iyo hawlgabka. Koomishanka Midawga Yurub ayaa ku rajo weyn in maalgelintan ay gaadho ku dhawaad 2 bilayn oo koroon. 

Isha:SVT

samir.dualeh@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".