Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Ulf Lundell oo ku hanjabay in uu mamnuucayo heestiisa ” Öppna landskap”

La daabacay fredag 19 december 2014 kl 16.00
Ulf Lundell. Foto: Lars-Gunnar Olsson/Sveriges Radio.
Ulf Lundell. Foto: Lars-Gunnar Olsson/Sveriges Radio.

Heestan oo hore loogu taliyay in laga dhigo heesta aan rasmiga ahayn ee maalinta calanka Sweden. Qoraaga iyo heesaaga Ulf Lundell ayaa dhayda ka cadeeyay in uu mamnuuci doono dhegaysiga heestiisa aadka loo jecel yahay ee ”Öppna landskap”

Haddii taageerada xisbiga Sverigedemokraterna ay korodho doorashada 22 maarso, ee sannadka soo socda.”Ma sii jiri doonto heesta Öppna landskap” ayuu ku qoray bogiisa khaaska ah. Haddii xisbiga SD uu helo boqolkiiba 20 ama wax ka badan codadka doorashada soo socota, wuxuu rabaa in uu ka mamnuuco heestiisa in laga dhegaysto idaacadaha iyo shaashadaha Sweden.

Fiinta ayaa in badan dhex miranaysay xisbiga Sverigedemokraterna iyo fanaan Ulf Lundell, ka dib markii uu xisbiga SD bogiisa internetka u isticmaalay heesta fanaankan, dhowr sanno ka hor.

Geesta kale Ulf Lundell dhawaan ka hadlay hadalkii ka soo yeedhay Björn Söder ee ahaa in Yuhuuda iyo Soomiga ahi, aanay noqon karin Swedish. Ulf Lundell ayaa carabka ku adkeeyay in Björn Söder uu ka dego kursiga gudoomiye ku xigeenka labaad ee barlamaanka.

Isha:Kulturnytt 

samir.dualeh@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".