Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Wadahadallo hoose oo u socda dawladda iyo mucaaradka

La daabacay måndag 22 december 2014 kl 09.34
Tomas Ramberg kommenterar ned nedröstade rödgröna budgeten och extravalet som kommer att hållas. Foto: TT
Tomas Ramberg, oo ka howl-gala SR iyo xarunta baarlamanka Iswiidhen. Sawirle: TT

Sida uu sheegay war laga soo xgtay idaacadda la iska daawado ee SVT inay wada-hadallo hoose u socdaan garabyada siyaasadda sidii mustaqbalka dalka loo maamuli lahaa iyada oo ay hoggaanka hayso dawlad aan aqlabiyad ku lahayn xubnaha baarlamanka.

Sida uu sheegay war laga soo xigtay suxufiga idaacadda SVT uga faaloota siyaasadda Kerstin Holm iney wada-haddaladani u dhexeeyaan wasiirka maaliyadda Magdalena Andersson oo dhanka dawladda ka socota iyo dhowr ka mid ah af-hayeennada dhaqaalaha ee xisbiyada garabka midig - Alliansen, waana wadahadallo la xiriira qaabka dhismaha dawladda:
- Middaa muhiimadda leh waxay tahay inaan laga wada xaajoonayn arrimmaha siyaasadda ee laga wada hadleyo qaabka siyaasdda, sida ay dawlad aan aqlabiyad ku lahayn xubnaha baarlamanka ugu guuleey-san lahayd miisaaniyaddeeda inay marsiiso, sida ay sheegtay Kerstin Holm.

Ulf Bjereld, ahna caalin ku sumadeeysan xisbiga mabaadiida xisbiga Socialdemokraterna (S), kana howl-gala jaamicadda Göteborg ayaa sheegay mar uu u warramayay laanta P1 Morgon ee idaacdadda inaan wararkan lagu degdegin, hase yeeshee aan la oran karin waa wax aan suurtagal ahayn wada-haddaladan:
- Waxaa jira dhawaaqyo badan oo ka soo yeeraya dhanka xisbiga S iyo dhanka xisbiyada garabka midig - Alliansen ee dooneya i xaaladdan la xalliyo iyada oo aan la qaban doorasho hor leh.

Heshiis la wada gaaro wuxuu noqon karaa mid salka ku haya siyaasadda ama xeerka, sida uu aamin-san yahay Bjereld:
- Xalku hadduu noqdo mid siyaasad salka ku haya waxey xisbiga S iyo xisbiyada garabka midig ka wada heshiin doonaan sidii xaaladdan oo kale mustaqbalka xal loogu heli kari lahaa, in xisbi walba u codeeyo oo keliya miisaaniyaddiisa tusaale ahaan. Hase yeeshee waxaa kaloo dhici karta in wax laga badlo xeerka baarlamantariga, kaasina oo wax ka xaddidaya falalka ey xisbiyadu ku tallaab-san karaan, iyo habka ey ugu codeeyn karaan miisaaniyadda, sida uu sheegay Ulf Bjereld.

Isha/SR

                                                                                                        kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".