Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Reer Finland: ha la joojiyo waajibnimada barashada luuqada iswiidhishka

La daabacay måndag 22 december 2014 kl 10.30
В 1941-44 году Швеция приняла 72 000 финских детей. Фото: Upplandsmuseet/flickr.com
В 1941-44 году Швеция приняла 72 000 финских детей. Фото: Upplandsmuseet/flickr.com

Fiinlaandiis badan oo ka soo horjeeda waajibnimada barashada luuqada iswiidhishka ee dalkooda. Afartiiba saddex ka mid ah, dadka afka fiinishka ku hadla ee reer Finland ayaa raba in luuqada iswiidhishka ee waddankooda lagu barto laga daayo in ahaato mid ay khasab tahay in la barto

Sida laga soo xiganaayo baadhitaan deg deg ah uu sameeyay machadka baadhida bulshada ee Åbo Akademi, isaga oo kaashanaya cilmi baadhayaal ka socda jaamacada Tammefors.

Baadhitaanka oo ay ka qayb qaateen dad gaadhaya 7 kun oo qof. Sidoo kale dadkii ra'yi ururintan ka qayb galay ayaa tobankiiba, toddoba ay aaminsan yihiin in ay tahay wax laga xumaado haddii dhaqanka iswiidhishku laga waayo Finland. Geesta kale badana dadka qaybta ka ahaa baadhitaankan ayaa qaba in ay muhiim tahay in dadka luuqada iswiidhishka ku hadla loogu adeego luuqadooda, Finland-na ay faa'ido dhaqaale ku qabto labada luuqadood ee lagaga hadlo.

Isha: SVT, TT

samir.dualeh@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".