Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Dad badan ayaa qabatimay qaadashada caydha

La daabacay tisdag 23 december 2014 kl 10.34
Mamma med barnvagn.
Många ensamstående mammor behöver försörjningsstöd för att klara sig. Foto: Hasse Holmberg/TT.

Ku dhawaad 400 kun oo qof ayaa la siiya kaalmo masaariifeed ama caydh sannad kasta. Kuwan oo qayb badan oo ka mid ahi ay joogteeyeen kaalmada in ka badan sannad, sida laga soo xiganayo hey’adda qaabilsan arrimaha bulshada ee Socialstyrelsen.

Middan ayaa la micno ah in 4,4 boqolkiiba shacabka Sweden in ay helaan kaalmadan dhaqaale sannadkii mar uun. Sannadii 2013 ayaa dadka kaalmada qaata waxay ahaayeen 411 kun oo qof, taas oo u dhiganta 4,3 boqolkiiba tirada shacabka guud. Sannadka ayaa la filayaa in tiradu intaas ka badato. Iyada oo 140 kun oo dadkan ka mid ahi ay yihiin caruur.

Tirada dadka qaata kaalmada dhaqaale ayaa isku dhawayd ilaa iyo sannadii 2011. Tirada dadka qaata kaalmada saddex sanno iyo wax ka badan ayaa korodhay boqolkiiba 5, intii lagu gudo jiray mudadan.

Sababta keliftay middan ayaa ah in ay jiraan dad waaweyn oo bilaa shaqo ah, xanuunsanaya ama waalid keli noolayaal ah. Dadka qaata kaalmada ayaa boqolkiiba 20 waxaa soo gala dhaqaale aad u hooseeya. 

Isha: Socialstyrelsen

samir.dualeh@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".