Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Ururka TCO oo rajo wanaagsan ka qaba in doorashada la joojiyo

La daabacay tisdag 23 december 2014 kl 15.00
Tomas Ramberg kommenterar ned nedröstade rödgröna budgeten och extravalet som kommer att hållas. Foto: TT
Tomas Ramberg kommenterar ned nedröstade rödgröna budgeten och extravalet som kommer att hållas. Foto: TT

Ururka ay ku middoobeen hawl-wadeenada ee magiciisa loo soo gaabiyo TCO, ayay u muuqata in aan doorashadii dheeraadka ahayd ee la rabay in ay qabsoonto bisha maarso ee sannadka soo socda la joojin doono.

Sida laga soo xiganayo ururkan TCO haddii doorasho dheeraad ah la qabto, waxaa jirta khatar ah in dhinacyada siyaasada isku hayaa ay sii kala fogaadaan. Middaas oo adkayn kartaa in la waayo wada shaqayn dhex marta labada dhinac si dawlad loo soo dhiso.

Horjoogaha ururkan saraakiisha Eva Nordmark ayaa qabta in la heshiis laga gaadho in laga wada shaqeeyo dhowr arrimood. Oo labada dhinac ee siyaasada ku kala fogi ay isla meel dhigaan arrimahan, tusaale ahaan khasnada caymiska, middaas oo dhamaan xisbiyada baarlaamaanku ay rabaan in la kordhiyo, hal mid mooye. Balse hadda arrinkaa ay hortaagan tahay qaybsanaanta dhexdooda. 

 

Isha:SVT

samir.dualeh@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".