Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Doorashadii dheeraadka ahayd oo la joojiyay

La daabacay fredag 2 januari 2015 kl 14.00
Doorashadii dheeraadka ahayd oo la joojiyay
(3:30 min)
Miljöpartiets språkrör Gustav Fridolin, Miljöpartiets språkrör Åsa Romson, statsminister Stefan Löfven, Moderaternas Anna Kinberg Batra, Centerpartiledaren Annie Lööf och Folkpartiledaren Jan Björklund vid lördagens pressträff i Riksdagen i Stockholm gällande extravalet. Foto: Henrik Montgomery/TT
1 av 3
Miljöpartiets språkrör Gustav Fridolin, Miljöpartiets språkrör Åsa Romson, statsminister Stefan Löfven, Moderaternas Anna Kinberg Batra, Centerpartiledaren Annie Lööf och Folkpartiledaren Jan Björklund vid lördagens pressträff i Riksdagen i Stockholm gällande extravalet. Foto: Henrik Montgomery/TT
Foto: Maja Suslin/TT
2 av 3
Foto: Maja Suslin/TT
Stefan Löfven (S) och Anna Kinberg Batra (M). Foto: TT
3 av 3
Stefan Löfven (S) och Anna Kinberg Batra (M). Foto: TT

Doorashadii dheeraadka ahayd ee lagu waday in ay qabsoonto bisha maarso ee sannadka soo socda ee 2015, ayaa gebi ahaanba meesha laga saaray ka dib markii dawlada iyo xisbiyada xulufada ah garabka midig ay heshiis ku gaadheen sharciyo cusub oo fududaynaya in dawlad aan haysan aqlabiyad ay xukumi karto waddanka.

Raysal wasaaraha waddanka Stefan Löven oo ka hadlaya shir jaraa’id oo ay si wada jir ah u qabteen garabyada heshiisku dhexmaray ayaa leh sidan.

-Heshiiskan aanu hadda, oo fursad siinaya in xukuumada xilka haysa ay dhaqan galiso miisaniyadeeda laga bilaabo qorshaha xiliga gu’ga ee bisha abriil. Sidaa awadeed xukuumada haddu ma go’aaminaysay in la qabto doorasho dheeraad ah, middaasi maaha mid meesha taal hadda, sidaa ayuu yidhi Stefan Löfven.

Maalmo ka hor intii aan loo bixin fasaxa ciida masiixiga ayaa waxaa soo shaac baxday xan ah in xisbiyada xukuumada iyo xisbiyada xulufada garabka midig ay u socdaan wada hadalo ay kaga foojignaanayaan in la qabto doorasho cusub. ’

Lixda xisbi ee kala ah, Socialdemokraterna, Miljöpartiet, Moderaterna, Centerpartiet, Folkpartiet iyo Kristdemokraterna ayaa heshiis ku gaadhay dhowr qodob oo fududaynaya in dawlad aan aqlabiyad haysan ay miisaaniyadeeda marin karto golaha baarlamaanka.

Heshiiskan oo loogu yeedhay, heshiiskii diisambar, ayaa loo qaybiyay dhowr qaybood oo kala ah.

1, In aan la hor istaagin musharaxa raysal wasaare ee fursad u haysta in uu dhiso xukuumad, middan oo ka dhigan xisbiyada galay heshiiskan in ay codkooda hoos u dhigayaan, halkii ay ka codayn lahaayeen musharax oo ay hor istaagi lahaayeen.

2, In haddii xukumadu aanay taageero buuxda ka haysan golaha baarlamaanka, in xisbiyada heshiiskan saxeexay ay codkooda hoos u dhigaan si ay golaha baarlamaanka uga ansaxdo miisaniyada xukuumadu. Sidoo kalena miisaaniyada aan la qayb qaybin ee si duuduub lagu ansixiyo.

3, In xisbiyada laba dhinac ay si guud uga wada shaqeeyaan saddex arrimood oo kala ah difaaca iyo amniga, siyaasadda tamarta iyo siyaasadda hawlgabka.

Inkastoo heshiiskan la isku khilaafay xisbiga moderatka gudihiisa ayaa haddana Anna Kinberg Batra ay ku faraxsantahay heshiiskan.

-Qorshayagu wuu cadaa ololihii doorashada, ka dib doorashii, sidoo kale meel cad ayaanu istaagnay kulankii aanu la qaadanay Stefan Löfven habeenimadii 2-dii diisambar in aanu heshiis ka gaadhno sidii Sweden loo maamuli lahaa. Waxaan qabaa in ay hadda muhiim tahay oo ay wanaagsan tahay in aan heshiis gaadhnay. Middan ayaa horseedi doonta deganaansho iyo qorshe, cid kasta oo doorashada soo socota ku guulaysata.

Geesta kale, hogaamiyaha xisbiga Bidixda, Jonas Sjöstedt ayaa soo dhaweeyay heshiiskan, inkastoo aan xisbigiisa laga qayb gelin wada hadaladan.

Xisbiga qudha ee aan soo dhaweyn heshiiskan ayaa ah xisbiga Sverigedemokraterna, oo waxyar ka dib uu kusimaha hogaamiyaha xisbiga Mattias Karlsson iyo xoghaya xisbiga Björn Söder ay sheegeen in ay rabaan in ay meesha ka saaraan raysal wasaaraha hadda ee Löfven. Iyaga oo raba in ay qaadaan codka kalsoonida, balse xisbiyada xulafada garabka midig ayaa sheegay in aanay ka codeyn doonin Stefan Löfven

Heshiiskan loo bixiyay heshiiskan diisambar ayaa shaqayn doona laga bilaabo marka la ansixiyo miisaaniyada gu’ga ee bisha abriil ee sannadka soo socda ilaa maalinta doorashada ee sannadka 2022.

Isha:Ekot, DN, TT

samir.dualeh@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".