Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/
Dab ka kacay nawaaxiga Kronåsen ee Sollentuna. Daaqadaha iyo albaabada in la xirto ayaa la is fareyaa.

Masaajid ku yaalla degmada Eslöv oo la gubay

La daabacay tisdag 30 december 2014 kl 14.33
Masaajid ku yaalla degmada Eslöv oo la gubay
(6:06 min)
I Eslöv: ännu en moské har brunnit i Sverige. Polisen misstänker att den är anlagd. Foto: Drago Prvulovic/ TT
1 av 2
Masaajid ku yaalla degmada Eslöv oo la gubay. Foto: Drago Prvulovic/ TT
Moskén i Eslöv Bild: Martina Pierrou/Sveriges Radio
2 av 2
Masaajid ku yaalla degmada Eslöv oo la gubay Bild: Martina Pierrou/Sveriges Radio

 Waxa baryahan soo badanayay weerarada lagu hayo masaajiddada ay Muslimiintu ku cibaadaysteen ee waddanka Sweden. Sannadkii 2014 oo qudha in ka badan 10 masaajid baa khasaare kala duwan la gaadhsiiyay. Badi maasidyadan waa la gubay. Dhacdadii u danbaysayna waxa ay ka dhacday degmada Eslöv, halkaasi oo dab la qabadsiiyay masaajid ku yaalla.

- Toddobaad gudihii ayaa waxa la weeraray laba masaajid. Masaajidka kale ee la gubay waxa uu ku yaallaa  magaalada Eskilstuna. Xaalku hadda waa adag yahay, su'aashuna waxa ay tahay ma gurigaa lagu tukan doonaa mise goob cibaado oo dadka kulmisa?

Kaasi waxa uu ahaa Samir Muric oo ah iimaamka masaajidka la gubay ee ku yaalla Eslöv. 

Habeenkii isniintu soo galaysay ayaa   dab ka kacay masaajid ku yaalla  degmada Eslöv. Shaqaalaha gargaarka deg deg ah ayaa isla markiiba soo gaadhay goobta, waxaanay ku guulaysteen in ay damiyaan dabkii. Shaqaalaha dabdamisku waxa ay sheegeen in dabku ka soo  baxayay daaqad ka mid ah daaqadaha masaajidka, isagoo dabku ka imanayay gudaha iyo dibadda masjidka. Dhismahan uu masaajidku ku yaallo oo ah dhisme ay ku nool yihiin dad badani ayaanay wax khasaare ahi soo gaadhin.  Shaqaalaha dabdemiska ayaa ka shakisan in dabkani ahaa mid qorshaysan. Sidoo kalena markii ay goobta masjidka soo gaadheen ayay ogaadeen in  dabku ka holcayay  gudaha iyo dibada masjidka.

 Johan Andersson oo ah guddoomiyaha golaha degmada  Eslöv ayaa aad uga xumaaday dhacdadan.

 - Waan ka xumahay oo aad baan uga cadhooday in dhacdo noocan oo kale ahi ka dhacdo deegaan xadaarad iyo ilbaxnimo ka jirto.  Kulan baanu ka yeelanahay dhacdadan, waxaanu diyaar u nahay in gacansiinno ururkan. Waxaananu ku sugnaan doonaa goobta si aanu uga jawaabno wixii su’aalo ah.

Johan Andersson ayaa markale sheegay in degmo ahaan diyaar u yihiin ammaanka iyo wadanoolaanshaha bulshada.

- Waxaan u malaynayaa in ay mihiim tahay in maamulka degmadu la kulmo dadka si wadashaqayn fiican loola yeesho booliiska, ururrada, haayadda dabdamiska iyo waliba dadka degmada ku nool, si layskaga kaashado sidii loo abuuri lahaa deegaan wanaagsan oo lagu wada nool yahay. Waxa aan u jeedaa  dadaal aynu  fikirrada noocan oo kale ah  ku beddelayno, kuna dhalliilayno. 

Kaasi waxa uu ahaa Johan Andersson oo ah guddoomiyaha golaha degmada  Eslöv.

Toddobaadkii hore waxa kale oo la gubay masaajid ku yaalla magaalada Eskilstuna. Xilli lagu gudojiro salaaddii casar ayaa dab  aad u baaxad weyni  ka holcay gudaha magaasidka, waxaana dabkaasi dirqi kaga badbaaday dad tiro badan oo masaajidka ku tukanayay.   Cabdirisaaq Maxamed Xuseen oo ka mid ah xubnaha masaajidka ayaa sheegay in dabku bilaabmay goor lagu jiray salaaddii casar, taasi oo keentay in dadkii masaajidka ku cibaadaysanayay mar qudha ka baxaan  daaqadihii masaajidka, maaddaama oo dhankii albaabka dibadda dab ka holcayay.  

Weerarada lagu hayo goobaha ay muslimiintu ku cibaadaystaan ayaa baryahani danbe sii badanayay.

- Bishii janaayo ee sannadka 2014 waxa masaajidka weyn ee magaalada Stockholm albaabkiisa lagu sawiray summadda faashiistayaasha naasiyiinta.

- Bishii maay isla sannadkii 2014 waxa waxyeelo loo geystay masaajid ku yaalla magaalada Eskilstuna.

- Bishii julaay waxa sidoo kale dab la qabadsiiyay masaajid ku yaalla magaalada Norrköping.

- Bishii septembar iyana waxa la weeraray masaajid ay dad Soomaali ahi gacanta ku hayaan oo ku yaalla xaafadda Södertälje iyo mid ay Falastiiniyiini gacanta ku hayaan.

- Sidoo kale bishii septembar waxa daaqadda laga jabiyay masaajid ku yaalla Flen, halka sidoo kale dab la qabadsiiyay  masaajid ku yaalla magaalada la yidhaa Avesta.

- Bishii Oktoobar waxa waxyeello loo geystay laba masaajid oo ku kala yaalla Helsingborg iyo Flen.

- Bishii noofambarna waxa khasaare la gaadhsiiyay masaajiddada ku yaalla degmada Eslöv iyo masaajidka ku yaalla magaalada Örebro. Halka bishan u danbaysay ee diisambarna uu khasaare weyni soo gaadhay masaajidka Eskilstuna, halkaasi oo ay shan qofi ku dhaawacan tahay. Dhacdooyinka isa soo dabataxnaa ayaa waxa u danbaysay tan toddabaadkan ka dhacday degmada Eslöv.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".