Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Masaajid ku yaalla magaalada Uppsala oo la weeraray

La daabacay fredag 2 januari 2015 kl 10.00
Masaajid ku yaalla magaalada Uppsala oo la weeraray
(1:58 min)
Moskén i Uppsala. Foto: Pontus Lundahl/TT
Masaajid ku yaalla magaalada Uppsala oo la weerarayFoto: Pontus Lundahl/TT

Habeenkii uu sannadka cusubi soo galayay ayaa walxo qarxa lagu tuuray masaajid ku yaalla magaalada Uppsala. Sida uu booliisku sheegay waxa kale oo albaabka masaajidka lagu qoray farriimo cunsuriyad xambaarsan. Falkan ayaa loo arkaa in uu yahay mid isku day dil ah iyo waliba khasaare iyo danbi logula kacay qayb bulshada ka mid ah. Waxaanay ilaa hadda booliisku baadhitaan ku wadaan ciddii ka danbaysay falkan.

Booliiska Uppland ayaa ka gaabsaday in ay sheegaan xidhiidhka ka dhexeeya dhacdooyinkii baryahan u danbeeyay waxyeelada loogu gaysanayay masaajiddada ku yaalla guud ahaan waddanka. Waxaanay sheegeen in ay baadhitaan ku wadaan arrintaas. 

25 bishii diisambar oo ku beegnayd maalintii ciidda miilaadiga kiristaanka ayaa dab la qabadsiiyay masaajid ku yaalla magaalada Eskilstuna, halkaasi oo ay ku sugnaayeen dad aad u tiro badani. Dhacdadan ayaa uu booliisku ku tilmaamay isku day dil. Saddex cisho kadib oo ku beegnayd 29 bishii diisambar sannadkii 2014 waxa la gubay masaajid ku yaalla degmada Eslöv. Dhacdadan ayaa iyana ay booliisku ku wadaan baadhitaan.

 Weeraradan lagu hayo masaajiddada ee baryahani soo badanaya ayaa keenay in la sameeyo wadda shaqayn dhexmarta booliiska iyo haayadda sirdoonka Sweden ee Säpo. Waxaanay ka wada shaqayn doonaan sidii loo sugi lahaa ammaanka goobaha ay Muslimiintu ku cibaadaystaan. 

Saddexda magaalo ee Sweden ugu weyn waxa ka dhici doona mudaharaad lagu muujinayo sida looga soo horjeedo arrintan. Mudahaaraadkan  oo loogu magacdaray ha taaban masaajidkayga ayaa waxa soo qabanqaabiyay 30 urur oo ujeeddadoodu tahay sidii wax looga qaban lahaa falalkan lagula kacayo masaajiddada iyo waliba sidii ay dawladdu mihiimad gaar ah u siin lahayd arrintan. 

Mohammad Hammoud oo ah guddoomiyaha ururka islaamka ee Västerbotten ayaa sheegay in aanay dadku joojin doonin imaanshaha ay masaajidka yimaaddaan.

- Dadku joojin maayaan in ay yimaaddaan masaajidka. Xubnaha masaajidka ku xidhanina way iman doonaan masaajidka, laakiin waxa aan filayaa in uu jiri doono taxadir badani iyo waliba walaac ay dadku ka qabaan in ay khasaare kale dab ka dhashaa soo gaadho.

Xigasho: SR

musa.hassan@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".