Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Sannadkii 2014 Sweden waxa magangalyo waydiistay 81 000 qof

La daabacay fredag 2 januari 2015 kl 11.00
Sannadkii 2014 Sweden waxa magangalyo waydiistay 81 000 qof
(0:50 min)
Миграционное ведомство Швеции набирает людей
Sannadkii 2014 Sweden waxa magangalyo waydiistay 81 000 qof. Foto: TT

Sannadkii 2014 waxa waddanka Sweden magangalyo ka soo dalbaday dad tiradoodu gaadhayso 81 000. Sida ay sheegtay laanta socdaalka ee Sweden dadka maganyalyada Sweden ka dalbaday waxa ugu badan dadka ka yimid waddanka Siiriya, halka ay kaalinta labaad ku jiraan dadka ka yimid waddanka Eleteriya iyo  dadka aan dawladaha lahayn.

Tiradan ayaa ah tii ugu sarraysay tan iyo sannadkii 1992, markaasi oo uu socday dagaalkii Balkanka.

Carruurta aanu waalidku la socon ee kalinimada ku timid ayaa ay tiradoodu gaadhaysaa 7000, taasi oo laba jeer ku soo libinlaabmaysa tirada carruurtii kalinimada ku timid sannadkii 2013.

 Sannadkii tegay ee 2014 waxa ay laanta socdaalku magangalyo  siiyay dad tiradoodu dhan tahay 33 500 qof. Taasi oo 25% ka badan tiradii ay Sweden magangalyada siisay sannadkii 2013. Kala badh dadkan magangalyada la siiyay ayaa ka yimid waddanka Siiriya

Xigasho TT

 musa.hassan@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".