Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Xuquuqda waxbarasho ee carruurta soogalootiga ah ee ka timid EU

La daabacay fredag 2 januari 2015 kl 13.00
Xuquuqda waxbarasho ee carruurta soogalootiga ah ee ka timid EU
(0:47 min)
Möllebacksskolan 5C Sölvesborg. Foto:Privat
Xuquuqda waxbarasho ee carruurta soogalootiga ah ee ka timid EU. Foto:Privat

Sida ay muujinayso daraasad ay samaysay jarriiradda Svenska Dagbladet , lix ka mid ah 136 degmo ee Sweden ku yaalla ayaa waxbarashada dugsiyada u ogol carruurta soogalootiga ah ee ka timaadda waddamada Midawga Yurub.

Laga soo bilaabo kowdii bishii julaay sannadkii 2013 ayaa dadka bilaa sharciga ah iyo carruurta dhuumaalaysiga ku joogta waddanku ay xaq u lahaayeen waxbarasho. Sharcigan ayaa ah mid aan khusayn dadka soogalootiga ah ee ka soo jeeda waddamada midowga Yurub. Dadka ka soo haajiray midwoga Yurub ayaa ka faa’iidaysta xorriyadda dhaqdhaaqa waddamada midowga Yurub taasi oo qofku uu saddex bilood Sweden joogi karo. Dad badan oo kolba dhan u socda ayay tani ku keentay in ay lumiyaan fursaddii waxbarasho ee ay ka heli lahaayeen waddankooda ama waddankani Sweden. 

Haayadda waxbarashada ee Skolverket ayaa sheegtay in aanay caddayn xuquuqda waxbarasho ee ay leeyihiin carruurta soogalootiga ah ee ka timid waddamada midowga Yurub. Waxaanay haayaddu sheegtay in loo baahan yahay in dib u eegis lagu sameeyo sharciga arrintani khuseeya.

  Xigasho: SvD 

musa.hassan@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".