Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Qufaca kikhosta oo sannadkii 2014 ku dhacay 700 oo qof

La daabacay fredag 2 januari 2015 kl 15.00
Personal på en vårdavdelning på sjukhus. Foto: Bertil Ericson / TT
Qufaca kikhosta oo sannadkii 2014 ku dhacay 700 oo qofFoto: Bertil Ericson / TT

 Waxa soo baxaya cilmi-baadhisyo cusub oo muujinaya in tallaalka carruurta ee lagaga hortago  qufaca  carrruurta ku dhacaa  aanu lahayn badbaado fiican. Waxa ay cilmi-baadhayaashu sheegeen in ay bakteeriyadu markasta ila beddesho wakhtiga sidaasi daraadeedna aanu tallaalku saamayn badan ku yeellan bakteeriyada. Cilmi-baadhayaasha ayaa sheegay in loo baahan yahay in tallaal cusub la soo kordhiyo.

Waxa ay ahayd sannadkii 1990 markii la bilaabay tallaalka carruurta laga tallaalayo qufaca loo yaqaano kikhosta. Tan iyo wakhtigaa waxa hoos u dhacay tirada carruurta xanuunkani la ildarnayd, laakiin haddana waxa jira carruur badan oo uu wali cudurkani ku dhaco. Sannadkii 2014 waxa uu cudurkani ku dhacay 700 oo iswiidhish ah, halka laba carruur ahi u dhinteen xanuunkan. Tiradan ayaa ah tii ugu badnayd tan iyo sannadkii 2007.

Marta Granström oo parofisoor ka tirsan maxadka Karolinska Institutetet ayaa aaminsan in cudurkani wali khatartiisa leeyahay.

-  Dhibaatadu waxa weeye, markasta oo la xakameeyo waxa uu cudurkani noqdaa mid la iska ilaawo. Maanta cidna cidna kama fikirayso qufacan loo yaqaano kikhosta.

Xigasho:  Vetenskapsradion 

musa.hassan@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".