Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Tayada adeegyada caafimaadka Sweden oo hoosaysa

La daabacay fredag 2 januari 2015 kl 17.30
Röntgenrum på Sälens vårdcentral
Tayada adeegyada caafimaadka Sweden oo ka hooseeya ka Maraykanka. Det här är röntgenrummet. Foto: Jennie-Lie Kjörnsberg/Sveriges Radio Dalarna

 Daarasad cusub oo ay samaysay haayad  magaceeda la yidhaa  Commonwealth fund  ayaa muujisay in adeegyada caafimaad ee Sweden yihiin kuwo aan wanaagsanayn, ayna  ka adeegyo fiican yihiin wado badani. Madaxa haayadda fallanqaysa arrimaha caafimaadka oo magaciisa la yidhaa Fredrik Lennartsson ayaa sheegay in ay Sweden la gudboon tahay in ay wax badan ka barato waddamada kale.

Isbarbardhig caalami ah oo la sameeyay ayaa muujinaya in ay Sweden la gudboon tahay in ay wax badan ka korodhsato waddamada kale. Sidaasi waxa yidhi  Fredrik Lennartsson.

Daraasaddan oo ay samaysay haayadda fadhigeedu yahay dalka Maraykanka ee magaceeda la yidhaa Commonwealth fund ayaa baadhitaan ku samaysay sida ay dadka ay da’doodu ka weyn tahay 55 jir xidhiidh ula sameeyaan xaruhama caafimaadka. Waxaana daraasaddan laga sameeyay in ka badan toban waddan  oo kala duwan. Waxaana waddanka Iswiidhan cilmi-baadhistan ka qaybqaatay in ka badan  5000 qof.

Natiijadii ka soo baxday daraasaddan ayaa muujinaysa in dadka Iswiidhishka ah ee bukaanka ahi aanay xidhiidh fiican la lahayn xarumaha caafimaadka iyo waliba in tayada hannaanka shaqada iyo xogaha caafimaadka ee qofka bukaanka ah la siiyaa yihiin kuwo liita. Daraasaddan ayaa muujinaysa in nidaamka caafimaad ee Sweden ka hooseeyo  ka waddamada Niyuu siilaan iyo Maraykanka (Nya Zeeland och USA).

 Waddanka Sweden kala badh dadka bukaanka ah ayaa hela xog caafimaad oo uu ku ogaanayo hadba halka uu caafimaadkiisu marayo iyo waxyaabaha ay tahay in uu la socdo, halka marka la barbardhigo waddamada kale ay 80% bukaanka ka mid ahi helaan xogta caafimaadka ee ay tahay in ay markasta la socdaan. 

Madaxa haayadda fallanqaysa arrimaha caafimaadka Fredrik Lennartsson oo ka qaybqaatay daraasaddan, afka Iswiidhishkana ku faafiyay cilmi-baadhistan ayaa sheegay in loo baahan yahay in xarumaha caafimaadka Iswiidhan wax badan ka beddelaan hannaanka ay u shaqeeyaa iyo waliba in ay wanaajiyaan shaqada ay bulshada u hayaan. 

musa.hassan@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".