Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Dhib haysata bukaanada la ildaran cudurka cilmi-nafsiga

La daabacay onsdag 7 januari 2015 kl 09.49
Rebecca Anserud. Foto: Susanna Einerstam/Sveriges Radio.
Rebecca Anserud fick sin diagnos när hon var 20 år. Foto: Susanna Einerstam/Sveriges Radio.

Dhakhaatiirta cudurada maskaxda ee ka hawlgala isbitaalada jaamacadaha ee waddankan ayaa afartiiba, hal mid uu yahay mid la soo kiraystay oo aan si toosa uga hawlgelin isbitaalka. Sidaa waxaa daaha ka fayday macluumaad ururin ay samaysay Ekot.

Umuurtan ayaa waxaa dhaleecaynaya ururka ay ku bahoobeen maamulada gobolada iyo degmooyinka ee magiciisa loo soo gaabiyo SKL. Ururkan ayaa ku doodaya in middani ay kalsooni daro u horseedi karto bukaanka.

Rebbeca Anserud oo la il daran xanuunkan cilmi-nafsiga ayaa leh, waa wax aad looga xumaado in mar kasta aan dhakhtar cusub u sharaxo dhibaatada xanuunkayga. Marka aan qofka caafimaadkiisu wanaagsanayn way adag tahay in uu ku soo celceliyo dhibaatada haysata, ayay leedahay.

Middan ayaa ka dhigan in marka dhakhtarka la soo kiraystay ay mudadiisu dhamaato in haddana dhakhtar kale oo cusub la soo kiraysto, taas oo sababaysa in dhakhtarka cusub oo kow ka soo bilaabo daaweyntii iyo daryeelkii bukaanka.

Ururka SKL ayaa hadda ku doodaya in loo baahan yahay isu duwe qaran oo hawsha wax ka qabta si loo helo dhakhaatiir joogto ku ah goobahan. 

Isha: Ekot

samir.dualeh@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".